Dhammaadka Horyaalka Ingiriiska

Maanta waxaa la soo gebagebeynayaa tartanka horyaalka kubbadda cagta Ingiriiska.

Waxaa dhacaya toban ciyaarood iyadoo aan weli la ogeyn kooxda qaadi doonta horyaalka sanadkan oo ah kii ugu xiisaha badnaa marka la eego natiijooyinka ciyaaraha ay kooxuhu isaga hor yimaaddaan.

Manchester City haddii ay ka badiso West Ham waxay horyaalka ku qaadeysaa 86 dhibcood, haddii ay barbardhac noqdaanna waxay ku qaadeysaa 84 dhibcood.

Laakiin haddii laga badiyo waxaa rajo yeelanaysa Liverpool oo haddii ay Newcastle ka badiso horyaalka ku qaadeysa 84 dhibcood maadaama ay tahay kooxda ugu badan xagga farqiqa goolasha la kala dhaliyay.