Manchester City waa horyaalka sanadkan

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Maamulaha Manchester City oo dabaaldeg kor logu qaaday.

Waxaa Sabtidan 11-ka bisha May ee sanadka 2014 la soo gebagebeeyay tartankii horyaalka kubbadda cagta ee Ingiriiska ee sanad-ciyaareedka 2013/2014.

Waxaa mar kale ku guulaysatay kooxda Manchester City oo ciyaartii ugu dambaysay 2-0 uga badisay West Ham United.

Goolasha Manchester City waxaa kala dhaliyay Samir Nasri iyo Vincent Kompany ciyaarta oo ka dhacday garoonka Etihad Stadium.

Liverpool oo snadkan dadaal badan muujisay waxay ku dhammaysatay kaalinta 2aad. Waxaana 3aad gashay Chelsea oo ka mid ahayd kooxaha ilaa dhammaadkii tartanka rajada ka lahaa inay horyaalka qaadaan.

Arsenal oo muddo dheer soo hoggaaminaysay kala horreynta kooxaha waxay gashay kaalinta 4aad.

Toban ciyaarood oo Sabtida dhacay, ayaa lagu soo afjaray tartanka horyaalka oo muddo sagaal bilood ah ay ku loollamayeen 20 kooxood oo saddex ka mid ah ay hoos u dallaceen. Kuwaas oo kala ah: Cardif, Fulham iyo Norwich, waxaana meeshoodii soo gelaya saddex kooxood oo ka soo dallacay tartanka heerka 2aad ee loo yaqaan Championship.

Tartanka horyaalka sanadkan waxaa lagu tilmaamay kii ugu adkaa taariikhda intii la ciyaarayay oo ah dhowr iyo 20 sano.

Sagaalkii bilood ee tartanku uu socday waxaa shaqada laga eryay ilaa toban ka mid ah maamulayaasha 20-ka kooxood ee loollanku ka dhexeeyay.

Ciyaaraha kale waxay kooxuhu isu-arkeen:

Cardiff 1 - 2 Chelsea

Fulham 2 - 2 Crystal Palace

Hull 0 - 2 Everton

Norwich 0 - 2 Arsenal

Southampton 1 - 1 Man Utd

Sunderland 1 - 3 Swansea

Tottenham 3 - 0 Aston Villa

West Brom 1 - 2 Stoke

Xagga gool dhalinta waxaa ugu horreeya laacibka Liverpool ee Suarez oo leh 31

waxaa ku xiga Daniel Sturridge oo isaguna Liverpool ah oo leh 21 gool.

Yaya Touré (Man City) 20 gool.

Agüero (Man City) 17

Rooney (Man Utd) 17