Manchester United oo tababare cusub yeelatay

Lahaanshaha sawirka Getty

Manchester United ayaa ku dhawaaqday in Louis Van Gall uu noqon doono tababaraha cusub ee kooxda.

Van Gaal oo lixdan iyo laba jir ah ayaa ah madaxa tababarka qaranka ee dalka Holland, waxaana uu sii wadan doonaa shaqadiisa hadda kadib marka koobka adduunka ee Brazil uu dhamaado.

Wuxuu ku guulaystay koobab intii uu macalinka u ahaa kooxaha Ajax, Barcelona iyo Bayern Munich.

Maamulaha ku meelgaarka ah ee Manchester United, Ryan Giggs ayaa ku xigeen u noqon doona.

Giggs, ayaa si ku meelgaar ah u sii tababarayay kooxda Manchester United tan iyo markii shaqada laga eryay David Moyes bishii April, oo kaliya toban bilood kadib markii uu badalay Sir Alex Ferguson oo kooxdan maamulayay muddo 26 sano ah ka hor intii uusan ka fariisan tababarenimada.