Real Madrid oo qaadday Champions League

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Waa markii tobnaad ee ay qaadaan koobkan Real Madrid

Kooxda Kubadda cagta ee Real Madrid ayaa ku guuleysatay koobka Champions League kaddib markii ciyaartii final-ka ay 4-1 uga badisay kooxda Atletico Madrid.

Goolka koowaad ee cayaarta waxaa dhalisay kooxda Atletico oo uu u dhaliyay cayaaryahan Diego Godin.

Laakiin Sergio Ramos oo ka tirsan kooxda Real Madrid ayaa gool cajiib ah oo madaxa ah dhaliyay daqiiqaddii 93 ee dhammaadka cayaarta taasi oo bareejo ka dhigtay iyo in waqti dheeraad ah lagu daro.

Waqtigii dheeraadka ayaa min gool ay u kala dhaliyeen Real ciyaaryahanada Gareth Bale, Marcelo iyo Cristiano Ronaldo.

Kooxda Real Madrid ayaa halkaasi ku xaqiijisay markii tobnaad ee ay qaadaan koobka Yurub ee Champions League.