Guusha Brazil ee kullankii ugu horeeyay

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Croatia ayaa la soo baxday ciyaar aan la fileynin

Neymar ayaa u muuqday inuu ahaa ninka sida ugu wanaagsan u ciyaarayay iyadoo Brazil ay waysay goolka furitaanka inay ka hesho kooxda dalka Coroatia oo ku ciyaareysay Sao Paulo, ciyaarta ayaa isu bedeshay si la yaableh.

Weerar yahanka ayaa ka jawaabay masuuliyadda saran kadib markii daqiiqadii 11 naad ay Brazil iska dhalisay goolkii ugu horeeyay ee Koobka dunida.

Wuxuuna Neymar muujiyay awoodda dalkiisa uu u leeyahay inuu guuleysto ama ku adkaado ciyaarta.

Goolka ay Brazil iska dhalisay waxaa si qalad ah lugta ugu dhuftay Marcelo, waana markii ugu horeysay taariiqda oo Brazil ay gool isaga dhaliso gurigeeda, iyo in looga hormaro gool kullankooda ugu horeeyo Ciyaaraha.

Goolkii Barbardhaca uu Neymar uu dhaliyay, waxa uu ka tuuray meel shabaqa Croatia ay difaacaneysay u jiratay 25 yards, wuxuuna u muuqday mid si tacbaan ah uu ku dhaliyay. Goolka labaad ayuu dhaliyay 19 daqiiqo ka hor dhammaadka Ciyaarta waxaana kujiro Muran.

Oscar ayaa ciyaarta ku soo geba gebeeyay gool shaqsiyadeed oo layaab lahaa, balse ammaanta garoonka Arena de Sao Paulo waxay raacday laacibka u ciyaara kooxda Barcelona Neymar.

Guusha Brazil waxay ahayd tan ay doonayeentaageerayaashooda, inkastoo la sheegayo in bandhigooda uusan wanaagsaneyn.

Sidoo kale waxay farxad weyn u tahay dadkii diyaariyay munasabaddii lagu furay oo aad loo qurxiyay, taasoo bilow fiican uga dhigeyso dhalka Marti gelinaya tartamada.

Dhanka kale waxaa jiray dibad baxyo ka dhacay magaalada São Paulo iyo magaalooyiin kale, intii ay socotay munaasabadda furitaanka oo si fiican uga dhacday garoonka.

Waa ciyaaraha, maahan siyaasad waxa hadda diiradda lasaarayo, oo meesha ka dhigay goob aad u quruxbadan.

Meelaha ay ka dhacayaan tartamada, maanta oo Jimca ahna waxaa dhacayo laba ciyaar. Ciyaarihii kuwan ka horeeyay ee la qabtay 4 sano ka hor waxaa qaaday Spain oo ka guuleystaya Netherlands oo ay ku kulmeen ciyaartii ugu dambeysay.