Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ivory Coast oo garaacday Japan

Ivory Coast ayaa laba gool kaga badisay kooxda Japan, si ay u bilowdo ololeheeda ah inay guul ka gaarto ama meel fiican ka gasho tartamada ciyaaraha kubadda cagta ee ka socdo dalka Brazil.

Kooxdan Afrikaanka ah ee loo yaqaano Maroodiyaasha, ayaa qeybtii hore ee ciyaarta ku dhameystay gool lagu lahaa oo uu ka dhaliyay Keisuke Honda strike in the first half.

Balse, Didier Drogba oo dib laga keenay ayaa wax ka badalay ciyaarta, inkastoo laba gool ay ku badiyeen 90-kii daqiiqo ee ciyaarta ay socotay.

Goolkii koobaad waxaa dhaliyay, Wilfried Bony oo laat qurux badan ka helay Serge Aurier.

Aurier ayaa markiisa laat siisay ciyaaryahankii horey ugu ciyaari jiray Arsenal Gervinho, wuxuuna halkaasi ku dhaliyay goolka labaad ee siiyay inay guuleystaan.

Guushan ayaa Ivory Coast fursad u siisay inay seddax dhibic helaan ciyaartoodii ugu horeysay ee kulamada koobka dunida ee dalka Brazil ka socdaan.

Ivory Coast, ayaa weligey ka gudbin kooxaha kooxba dunida, hase-yeeshaan guushan waxay u noqon kartaa fursad ah inay ciyaaro wanaagsan soo bandhigaan.

Hadaba maxay tahay taariikhda xulka Maroodiyaasha Afrika, maxayna yihiin laa cibiinta ay wataan.

Cabdifitaax Ibraahin Cagayare ayaa warbixin ka diyaariyay, ka dhageyso Lifaaqa.