Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Taariikhda Kooxda Ivory Coast

Xulka Ivory Coast ee ka qeybgalaya koobka adduunka ayaa waxa u dheelaya ciyaaryahanno caan ah oo ay ka mid yihiin Didier Drogba iyo Yaya Toure.

Drogba ayaa la filayaa in koobkan adduunka uu yahay kii ugu dambeeyay ee uu dheelo, waxaana xulkiisa oo dhinacyo badan ka dhisan aanu waligii ku guuleysan koob muhiim ah, sida kan Qaramada Afrika.

Cabdifitax Ibrahim Cagayare ayaa inoo haya warbixin ku saabsan xulka Ivory Coast.