Algeria oo u gudubtay wareegga labaad

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Taageerayaasha oo u dabaaldegaya guusha Algeria

Dad aad u badan ayaa isugu soo baxay jidadka dalka Algeria si ay ugu dabaaldegaan guusha kooxdooda ay ka gaartay kullankii ciyaaraha ee xalay ay la yeesheen kooxdii Ruushka.

Algeria ayaa markii ugu horeysay u qalantay inay u gudubto wareegga labaad ee 16 –ka koox ay isugu soo hareen.

Taageerayaasha Algeria ayaa ruxayay calanka dalkooda, waxayna badan kooda isugu tageen bartamaha caasimadda dalka Algeria ee Algeris.

Algeria ayaa gudubtay markii ay barbardhac Hal-hal gool ah la gashay dalka Ruushka, oo ah dalka martigelinaya ciyaaraha koobka aduunta ee 2018-ka oo ka hartay kuwa hadda ka socdo dalka Brazil.

Wareegga labaad, Algeria waxa ay wajeheysaa Germalka, oo 1982-dii ka reebay ciyaarihii koobka dunida, kadib markii lagu eedeeyay in si ula kac ah ay ugu ciyaareen sixun, taas oo natiijada ka dhigtay in Australia iyo Germalka ay ka faa’ideystaan ciyaar xumada Algeria una gudbaan wareegga 16-ka koox.

Sidoo kale kooxda Mareykanka ayaa xaqiijisay inay u gudubtay wareegga kala-baxa, kadib markii laga badiyay kooxda South Korea.

Lahaanshaha sawirka AFP Getty Images
Image caption Goolka ay Algeria dhalisay
Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption goolka Algeria u suurta geliyay inay wareegga labaad u gudubto
Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Taageerayaasha Algeria oo ciyaarta daawanaya
Image caption Ciyaartoyda Algeria oo guusha ay gaareen ku faraxsan
Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Algeria oo guul Taariikhi ah gaartay