Luis Suares oo 9 ciyaarood la mamnuucay

  • 26 Juunyo 2014
Suares Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Suares ayaa 9 cayaarood la mamnuucay

Xiriirka Kubada Cagta ee FIFA ayaa sagaal ciyaarood ka mabnuucay cayaaryahanka Uruguay Suares.

Waxaa lagu helay dambi ah inuu qaniinay cayaaryahanka Talyaaniga ee Giorgia Chiellini.

Guddi madaxbanaan oo FIFA ka tirsan ayaa sidoo kale ciyaaryahanka ka mamnuucay ciyaaraha mudo afar bilood ah.

Suares ayaa dhowr jeer oo hore lagu eedeeyay inuu qaniinay cayaartooy xilli ay socotay cayaar.

Xulka Uruguay ee uu u ciyaaro Suares ayaa u soo baxay wareegga labaad ee ciyaaraha koobka adduunka.

Ciyaartii dhexmartay Uruguay iyo Talyaaniga ayay Uruguay 1-0 uga guulaysatay Talyaaniga.

Uruguay ayaa wareegga labaad la ciyaari doonto xulka Colombia.

Suares kama qeybqaadan doono ciyaartaas.