Kulayl sababay in la hakiyo ciyaar

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Qoraxda ayaa kuleyl aad ah ka dhigtay garoonka

Kuleyl xad dhaaf ah oo ka jiray garoon ka mid ah kuwa ay ka socdaan ciyaaraha koobka aduunka ayaa markii ugu horeysay sababay in la sameeyo daqiiqado is qaboojin ah.

Waana markii ugu horeysay ee taariikh-da oo koobka aduunka loo sameeyo nasashada isqaboojinta.

Qoraxda oo aad u kululeyd iyo heer-kulka oo aad u sareeyay ayaa dhaliyay in la joojiyo daqiiqado yar, ciyaartii u dhexeysay Netherlands and Mexico oo lagu qabtay magaalada Fortaleza.

Waxa ay arrinta dhacday ka dib markii garsoore Pedro Proenca uu bixiyay calaamad ah in seddax daqiiqo la hakiyo ciyaarta ka gadaal markii heerka kuleyka qoraxda uu gaaray 32C, gudaha garoonka ay ciyaarta ka socotay.

Labada koox ee ciyaartoyda, ayaa billaabay inay biyo cabaan, waxayna korka iska saareen shukumaanno la qaboojiyay. Arrintaasi waxay fursad u noqotay labada tababare inay ciyaartoyda la hadlaan.

Sidoo kale, kuleylka waxa uu taageerayaasha ku qasbay inay aadaan qeybta dambe ee garoonka si ay gabaad u helaan.

FIFA ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay markii ay qiimeeyeen kuleylka iyo heer-kulka oo kor u dhaafi karo 32C, ay sameeyeen nasasho ay ugu magacdareen Isqaboojinta.

Dhaqaatiirta FIFA ayaa kula taliyay maamulaha guud iyo guddiga ciyaarta, in ay wanaagsan tahay in la nasto.

"Nasasho isqaboojin ah oo seddax daqiiqo ah ayuu meel mariyay garsooraha, markii ciyaarta ay socotay 30 daqiiqo, labada qeyb ee kullanka.”

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Ciyaartoyda Mexico oo biyo cabaya, daqiiqadaha isqaboojinta
Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Kooxda Holland oo ka nasanaya kuleylka, iyadoo bararaha uu la hadlayo
Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Maryo la qaboojiyay ayaa loo qeybiyay labada koox
Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Xilliga laga nasanayay qoraxda