Costa Rica oo u soo baxday wareegga 8-da

Costa Rica iyo Greece Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Cayaartii dhexmartay kooxaha Costa Rica iyo Greece

Costa Rica, ayaa rigoorayaal 5-4 uga badisay kooxda Greece.

Waqtiga caadiga ah ee sagaashanka daqiiqo waxay labada koox isla dhaafi waayeen 1-1.

Costa Rica, ayaa qeybtii labaad ee Ciyaarta heshay hal gool, kar hor inta aan laga saarin cayaaryahan Scar Duarte oo kaarka cas loo taagay.

Waxayna hal saac ku dhowaad ku ciyaarayeen sagaal qof iyo goolhayaha, waxaase goolka barbardhac laga dhaliyay daqiiqaddii 90-aad ee gabagabada cayaarta.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Cayaartii dhexmartay kooxaha Costa Rica iyo Greece

Waxay taasi u fududeysay Greece inay rajo yeelato, waxayna ugu dambeyntii isla gaareen gool ku laad ama rigoorayaa. Costa Rica ayaa shanta laadba dhalisay halka Greece laga qabtay mid ka mid ah shanta laad.

Costa Rica, waa taariikhdeeda markii ugu horaysay ee cayaaraha adduunka ay heerkan ka soo gaarto.

Hadaba, dalka ka soo jeedo Bartamaha America ayaa fooda gellin doono Netherlands oo lagu tilmaamayo inay ka mid yihiin kooxaha ugu adag ee soo baxay. Kooxdii labadan adkaatay waxay ka mid noqon doontaa 4-ta koox ee isugu soo haraysa semifinal-ka.