France iyo Germany oo soo gudbay

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Taageerayaasha Algeria

France iyo Germany ayaa u gudbay wareegga sideedda koox kadib markii ay ka adkaadeen kooxihii ugu dambeeyay ee Afrika ee kala ah Nigeria iyo Algeria.

German ayaa Algeria ku garaacday 2-1. Halka Farance ay Nigeria uga badisay laba gool iyo waxba.

Image caption Algeria oo laga badiyay
Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Germany oo ka badisay Algeria
Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Taageerayaasha France oo xalay garaacday Nigeria

Marka la isbarbar dhigo labada ciyaar waxaa aad u adkeyd tan ay wada lahaayeen Algeria iyo Germany, taas oo xittaa ay isla gaareen 30 daqiiqo oo dheeraad ah.

Ciyaarta dhexmartay Frence iyo Nigeria, waxaa loo arkay inay labada dhinac ay u ciyaarayeen si isku mid ah, walow ay iska beerdareeyeen fursado badan.

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption German waxay badisay daqiiqadihii dheeriga ahaa ee lagu daray

Nigeria ayaa heshay fursadaha ugu badan ee ay gool ku dhallin kareen, laakiin ma aysan ka faa;ideysan. Dhanka France, waxaa aad u hor istaagay oo u diiday inay gool dhaliyaan gool-hayaha kooxda Nigeria.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption France waxay u gudbeen wareegga sideedda koox
Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Markii laga dhaliyay goolka labaad Nigeria
Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Goolka looga badiyay Nigeria

France iyo Germany waxay kuwada kulamayaan wareegga sideedda koox ama rubuc dhammaadka ciyaaraha.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption France iyo Germany ayaa kulmi doono

Dhanka kale, guddiga ciyaaraha ee dalka Cameroon ayaa sheegaya inay baarayaan sheegashooyiin ah ciyaar lagu heshiiyay natiijadeeda in tii lagu guda jiray ololaha koobka adduunka.

Waxaa laga adkaaday dhammaan seddaxda kullan ee ay ciyaareen, iyadoo mid ka mid ah oo ay la yeesheen Croatia looga badiyay 4-0

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Cameroon oo baareysa ciyaarihii ay yeelatay, sababta looga badiyay
Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Cameroon ayaan marna badin intay ciyaaraha socdeen
Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Kullankii Croatia ayaa laga shakiyay in lagu heshiiyay