Belgium iyo Argentina oo u gudbay rubac dhamaadka

Argentina Lahaanshaha sawirka GETTY
Image caption Taageeryaasha Argentina oo u dabbaal degaya goolkii guusha

Xulalka qaranka ee Argentina iyo Belgium ayaa u gudbay rubac dhamaadka koobka adduunka kaddib markii ay ka guulaysteen kooxaha Switzerland iyo Maraykanka.

Labada koox waxay isaga hor imaan doonaan rubac dhamaadka, iyadoo kooxdii guulaysato ay u gudbi doonto wareegga afar dhamaadka.

Lix kooxood oo kale ayaa u soo gudbay wareegga afar dhamaadka.

Waxay kala yihiin Faransiiska, Jarmalka, Brazil, Costa Rica, Netherlands iyo Colombia.

Fransiiska waxaa uu la cayaari doonaa Jarmalka, halka Brazil ay iska hor imaan doonaan Colombia.

Netherlands waxay la cayaari doontaa xulka qaranka ee Costa Rica.