Neymar oo ciyaaraha aduunka ka baxay

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Juan oo jilibkiisa ku dhufanaya ciyaaryahan Neymar

Ciyaaryahanka weerarka uga ciyaara xulka qaranka Brazil ee Neymar ayaa ka baxay ciyaaraha aduunka ee sanadkan 2014-ka, kaddib markii uu ka dhaawacmay araxda.

Neymar ayaa laga saaray ciyaarta isaga oo dhaawac ah, markii ay ka soo gudbeen rubac dhamaadka ciyaaraha aduunka waxa ayna xulka qaranka Brazil ay Colombia kaga badisay 2-1 waxa ayna u geydbeen semi-finalka.

Dhaawacan araxda ka gaaray Neymar waxaa sababay ciyaaryahan Juan Zuniga oo jilibka ku dhuftay balse aanan loo ciqaabin.

Neymar, oo 22-jir ah ayaa ooynayey markii lagu qaaday bareelaha, kahor inta loo qaadin isbitaal kuyaala magaalada Fortaleza si loogu daweeyo.

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Neymar oo ooynaya kaddib markii uu dhaawacmay

Ciyaaryahankan uga ciyaara kooxda Barcelona dhanka weerarka ayaa afarti jeer oo ay xulkiisa cayaareen koobka aduunka ee sanadkan 2014-ka uu dhaliyey 4-gool, waxuuna kamid noqday ciyaaryahanada goolasha badan dhaliyey koobkan aduunka.

Dadka ka faalooda arrimaha ciyaaraha kubadda cagta ayaa waxa ay sheegayaan in saameyn weyn ay ku yeelan doonto kooxda xulka qaranka Brazil, maqnaashaha Neymar iyo Thiago Silva oo laba jeer loo taagay karaka jaalaha ah inata ay ciyaarahan socdeen, iyadoo ay wajihi doonaan kooxda adag ee Germalka.

Waxa ay taxliiliyaasha intaa ku dareen in maqnaashaha laacibka Neymar ay dhabar jab ku tahay kooxdiisa, laakiinse ay fursad siin karto ciyaaryahan Willian oo weerarka ugu ciyaara xulka qaranka Brazil iyo kooxda Chelsea ee dalka Ingiriiska.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Neymar oo weerarka uga ciyaara xulka qarankiisa Brazil iyo Bercelona