Brazil iyo Jarmalka oo caawa dheelaya

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciyaaryahan Muller oo weerarka kaga dheela xulka Jarmalka iyo ciyaaryahan David Luiz oo difaaca kaga dheela xulka Brazil.

Caawa waxaa loo ballansan yahay in garoonka Belo Horizonte ee dalka Brazil ay ka dhacdo ciyaarta koobaad ee nus dhammaadka koobka adduunka.

Ciyaartaasi ayaa waxa ay dhexmari doontaa xulalka Brazil iyo Jarmalka.

Brazil iyo Jarmalka ayaa markii labaad isaga hor imanaya ciyaar ka tirsan koobka adduunka, labada koox ayaa markii ugu horreysay ku kulmay koobkii adduunka ee 2002-dii lagu qabtay Japan iyo Koonfur Kuuriya.

Ciyaarta oo xilligaasi ka dhacday magaalada Yokohama ee dalka Japan, ayey Brazil ku badisay 2-0, oo goolasha waxaa u dhaliyay xiddigoodii waagaa ee Ronaldo.

Tababaraha haatan layliya kooxda Brazil ee Scolari, ayaa u soo hooyay xulkiisa guusha ay 2002-dii ka gaareen xulka Jarmalka, balse su’aasha taagani waxa ay tahay in kooxda Jarmalka ay baabi’in karto rajada tababare Scolari, ee ah in uu mar labaad ku guulaysto koobka adduunka.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption David Luiz oo u dabaaldegaya goolkii uu ka dhaliyay xulka Colombia

Brazil oo aanan ciyaaro wanaagsan oo lala dhaco soo bandhigin tartankan, ayaa guushii ay ka gaartay xulka Colombia waxa ay muujisay in ay tahay koox adag oo qaadi karta koobkan.

Balse waxaa rajada Brazil hoos u dhigi kara dhaawaca soo gaaray laacibkooda ay ku tashtaan ee Neymar, kaasi oo ka dhaawacmay laf dhabarta ciyaartii ay la yeesheen Colombia, waxaa sidoo kale kullanka ay xulka Jarmalka la yeelan doonaan aan dheeli doonin kabtanka ahna difaaca ugu muhiimsan ee kooxda Brazil, Thiago Silva, oo ku maqnaan doona ganaax kaddib markii ciyaartii Colombia loo taagay kaarkii labaad ee jaalle ah intii ay ciyaarahan socdeen.

Brazil ayaa inta la og yahay u gudubtay ciyaarta kama dambeysta ah ee koobka adduunka lixdii jeer ee ugu dambeysay ee ay gaartay nus dhammaadka tartankan.

Sikastaba, xulka Brazil oo aanay u safneyn ciyaaryahano awood badan ku leh kubada cagta sidii horay u dhici jirtayba, ayaa la saadaalinayaa inay caawiso taageerada aan kala go’a laheyn ee ay ka helayaan muwaadiniintooda.

Kooxda Jarmalkana waa koox aan la dhayalsan karin oo soo bandhigtay ciyaaro ciyaaro dhaafay intii uu socday tartankan, waxaana laga yaabaa in ay noqoto kooxdii ugu horreysay ee Yurub ka socota ee koobka adduunka ku qaado carriga Laatiin Ameerika.

Jarmalka ayaa waxa ay u baahan yihiin in ay iska adkeeyaan difaaca si ay u gaaraan himiladooda ah in ay ku guulaystaan koobkii afraad ee adduunka.

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Ciyaaryahan Muller waa weeraryahanka ay ku tashtaan kooxda Jarmalka

Xulka Jarmalka ayaa taariikh cusub dhigay, kaddib markii uu noqday xulkii ugu horreeyay ee afar jeer oo isku xigta soo gaara nus dhammaadka koobka adduunka.

Ciyaaryahannada u dheela Jarmalkana, waa kuwo khibrad badan leh oo kubadda u dhiga hadba sida ay doonayaan, waxaana ay ku faani karaan goolhayahooda Manuel Neuer oo soo bandhigay ilaa iyo hadda ciyaaro la yaab leh.

Ciyaaryahanka ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay difaac kale oo dheeraad ah oo lagu kabay difaacyada Jarmalka.

Haddii ay gool u baahdaana, waxa ay u yeeran karaan ciyaaryahanka ugu gooldhalinta badan koobka adduunka ee Miroslav Klose ee rikoorka la wadaaga weeraryahankii reer Brazil ee Ronaldo oo ay wada leeyihiin min 15 gool.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan