Germany oo qaadatay koobka adduunka

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciyaartoyda Germany oo dabaal degaya.

Kooxda kubadda cagta dalka Germany ayaa ku guulaysatay koobka adduunka sanadka 2014 ee ka dhacayay dalka Brazil.

Waxay 1-0 uga adkaatay Argentina oo ay ku wada ciyaareen magaalada Rio de Janeiro xalay.

Cayaarta ayaa daqiiqadii 90-shanaad waxa ay aheyd 0-0, laakiin Germalka ayaa hogaaminayey markii lagu daray waqti dheeraad ah taas oo ka dhigtay in markii afaraad ay ku guuleystaan Koobka aduunka.

Guusha Germany, ayaa waxa ay tahay markii ugu horeysay oo dalka oo mideysan ay koob qaataan si ay ugu darsadaan seddexdii koob ee Gelbeedka Germany horay u qaadatay.

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Maracana ayaa sidan u ekaa ciyaarta kaddib

Goosha quruxda badan oo uu dhaliyey Mario Goetze oo bedel ku soo galay ayaa aheyd goolka guusha ee ka dhacday garoonka Maracana taas oo soo afjartay ciyaaraha koobka aduunka.

waa kooxdii ugu horeysay oo yurub ka timid kuna guuleystay koobka aduunka iyadoo joogta Laatiin America.

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Germany ayaa noqotay horyaalka caalamka

Dabcan Argentina waxa ay gadaal u fiirinayaan qaasatan Gonzalo Higuain oo qeybta hore ee ciyaarta Argentina ka lumiyey fursad fiican, laakiin qofka ay aad ugu tiirsanaayeen ayaa waxa uu ahaa ciyaaryahanka qibrada wanaagsan leh Lionel Messi oo loo magacaabay ciyaaryahanka ugu wanaagsanaa tartankan koobka aduunka ee sanadkan 2014-ka.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Messi oo guul daro uusan fileyn ay soo gaartay
Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Hogaamiyaha Germany iyo madaxweynaha Ruushka oo daawanaya ciyaarta
Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Tababaraha kooxda qaranka ee Argentina
Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Taageerayaasha Germany
Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Mascherano oo u ciyaara argentina