Mo Faarax oo ka haray cayaaraha Commonwealth

Mo Faarax Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Mo Faarax oo ka haray cayaaraha dalalka barwaaqo sooranka

Orodyahanka Mo Faarax ee labada biladood ee dahabka horey u qaatay ayaa sheegay inuu ka haray cayaaraha waddamada barwaaqo sooranka ah ee ka socda Scotland.

Arrintan ayaa ka dambaysay markii uu sheegay in uusan wali ka soo kaban xannuun dhawaan ku dhacay.

Mo farax oo ah 31 jir ayaa waxaa uu ku guulaysatay oradka ah 5,000m iyo 10,000m ciyaarihii Olympics ee lagu qabtay London sanadkii 2012.

Si kastaba ha ahaate Mo Faarax ayaa go'aansaday inuu sii joogo goobta uu ku tababaranayo si uu ugu diyaar garoobo ciyaraha Yurub ee la qaban doono bisha Augst.