Isticmaalka budada cad

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Budada cad

Horyaalka kubadda cagta ee Ingiriiska ee Premier League.ga ayaa xilli ciyaareedka haatan lagu wado inuu bilowdo waxaa la isticmaali doonaa budada cad ee ay garsoorayaasha isticmaaleen ciyaarihii adduunka ee lagu qabtay Brazil.

Garsoorayaasha ayaa budadan cad u isticmaala si ay u muujiyaan masaafada ay ciyaartoyda u jirsanayaan kubadda markii kooxda ay la dheelayaan loo dhigo laad xor ah ama free-kick.

Guddiga maamula Premier League-ga ayaa sheegay in aanay qorsheyn inay soo bandhigaan budadan cad ilaa ay waxtarkeeda ka arkeen tartamo kale.

Hasayeeshee gudoomiyaha guddigaasi Richard Scudamore ayaa sheegay in Premier League-ga uu u furan yahay horumar.

Wuxuuna intaa raaciyay in budada cad ay ka faa'iidaysteen ciyaartoyda, garsoorayaasha iyo dadkii daawanayay ciyaarihii adduunka ee Barazil lagu soo gebagabeeyay bishan.

Budadan cad, ayaa waxaa dhowr xilli ciyaareed lagu isticmaalay horyaalada kubadda cagta ee wadammada Brazil iyo Argentina, sidoo kalana waxaa lagu isticmaali doonaa ciyaaraha sanadkan ee Horyaalada Yurub ee Champions League-ga.

Budadan cad, ayaa baaba'aysa daqiiqad un kaddib markii uu garsooraha ciyaarta ku buufiyo meesha uu ugu talagalay, waxayna ka caawinaysaa garsoorayaasha in ciyaartoyda aanay ka dhaqaaqin xariiqa oo aanay u dhawaan laadadka xorta ah ama free-kicks.ka.