Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Kooxda Banaadir oo ka hartay Tartanka CECAFA Championship

Waxaa magaalada Kigali ee caasimadda waddanka Rwanda ka socda tartanka kooxaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Tartankan ayaa tan iyo 2002 waxaa loo yaqaanaa Kagame Interclub Cup, markaasi oo madaxweynaha Rwanda Paul Kagame uu bilaabay inuu maalgaliyo ciyaarahan. Waxaana ka qeyb qaata kooxo ka socda wadammada Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Tartankaasi waxaa Soomaaliya u matalaysa kooxda Banaadir oo saddexdii ciyaar ee ay dheeshay laga adkaaday.

Abuukar Maxamed Sheekh waa gudoomiyaha kooxda kubadda cagta ee Banaadir waxa uu khadka taleefanka ee magaalada Kigali ugu warramay weriyaha BBC Cabdifitaax Ibraahim Cagayare