Carlo Tavecchio oo wajahaya baaritaano

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Carlo Tavecchio, Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Talyaaniga ee FIGC.

Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Talyaaniga ee FIGC ayaa wajahaya baaritaano dhanka anshaxa ah oo uu ku sameynayso guddiga Uefa.

Baaritaanadan ayaa ku aadan hadal uu jeediyay ninkaasi oo lagu eedeeyay inuu ahaa midab kala sooc.

Carlo Tavecchio, oo 71-jir ah, ayaa dhaliyey muran intii uu socday ololihii doorashadiisa bishii July, mar uu ugu yeeray ciyaaryahanada Afrikaanka ah (Kuwa cuno mooska) xili uu jeedinayay khudbad.

Waxa uu doorashada kaga adkaaday ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe kaga ciyaari jiray kooxda AC Milan, ee Demetrio Albertini.

Uefa, ayaa xaqiijisay in madaxeeda baara arrimaha Anshaxa iyo hab dhaqanka uu soo gudbin doono warbixin ka hor inta aan go’aan la gaarin.

Tavecchio, ayaa raali gelin ka bixiyay faalada uu bixiyay mar uu khudbad ka jeedinayay kulan ay yeesheen madaxda horyaalada heerarka hoose 28-kii bishii July.