Balotelli oo kusii jeeda Liverpool

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Ciyaaryahan Mario Balotelli.

Weeraryahanka kooxda AC Milan Mario Balotelli, ayaa lagu wadaa in uu ku biiro kooxda Liverpool, waxa uuna u duulayaa dalka Britain si baaritaan caafimaad loogu soo sameeyo.

Liverpool ayaa Balotelli ku dooneysa in ay kula soo wareegto lacag dhan £16m.

Haddi lagu heshiiyo lacagtaasi, ayaa waxa kooxda Liverpool ay siin doontaa cayaaryahankan oo 24 sanno jir ah todobaadkii lacag ku dhow £120,000.

Kooxda Liverpool ayaa la sheegayaa in Balotelli ay ka xaqiijisay hab dhaqan wanaagsan oo garoonka iyo dibadiisaba ah.

Balotelli ayaa saddex sano u ciyaarayay kooxda Manchester City, waxa uuna xilligaasi u dhaliyay 20-gool.

Waxa aad u jeclaa taageerayaasha Man City, waxa uuna ka caawiyey in kooxdaasi ay qaado koobka horyaalka Ingiriiska oo ay xilligaasi ugu danbeysay sanandkii 1968-dii.

Weeraryahankan ayaa heshiis afar sanno iyo bar ah la galay kooxda Milan bishii January sannadkii 2013, waxa uuna u ciyaaray Talyaaniga Ciyaarihii koobka adduunka.

Difaaci hore ee kooxda Liverpool Gary Gillespie, ayaa aaminsan Liverpool in ay khatar weyn ku sugantahay haddii uu ku biiro Balotelli.