Natiijooyinka horyaalka Ingiriiska Sabtidan

  • 23 Agoosto 2014
Chelsea football team Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Kooxda Chelsea ee badisay

Kooxaha Chelsea, West Ham iyo Swansea waxay ku guulaysteen kulammadii Sabtidan.

Ciyaaraha galabta dhacay waxaa loo kala badiyay sidatan:

Ciyaarta ugu xiisaha badan waxaa lagu tilmaami karaa mid dhexmartay Arsenal iyo Everton, taas oo Arsenal looga naxsaday 2-0 iyadoo labada goolba laga dhaliyay qaybtii koowaad ee ciyaarta.

Hase ahaatee dadaal badan kaddib Arsenal waxaa daqiiqaddii 83aad gool u dhaliyay Ramsey, waxaana goolka barbardhaca daqiiqaddii 90aad u saxiixay Giroud.

Shan daqiiqo oo waqtigii lumay ah ayaa lagu kordhiyay ciyaarta hase ahaatee 2-2 ayay ku kala baxeen.

Chelsea 2- 0 Leicester

Crystal Place 1 - 3 West Ham

Swansea 1- 0 Burnley

Aston Villa 0-0 Newcastle

Southampton 0-0 West Brom