Stoke oo ka naxsatay Manchester City

Mame Biram Diouf Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Laacibka Diouf ee goolka Stoke dhaliyay

Chelsea si fiican ayay u badinaysaa. Manchester City waa laga badiyay, Manchester United-na barbardhac ayay gashay.

Kooxaha West Ham, West Brom iyo Everton waa laga adkaaday Sabtidan.

Ciyaaraha ugu dambeeyay waxaa loo kala badiyay:

Chelsea 6-3 Everton waxay ahayd ciyaar furan oo weerar ku dhisan hase ahaatee difaaca Chelsea ayaad moodeysay inay jilicsan yihiin maadaama dhowr jeer laga daba yimid goolasha ay weerarkoodu dhalinayeen.

Chelsea goolka ugu horreeyay iyo kan ugu dambeeyay ciyaarta waxaa labadaba u dhaliyay laacibka ay dhowaan soo gateen ee Diego-Costa oo saddexdii kulan ee uu saftay aan midnaba gool la'aan bixin.

Ciyaarta ugu xiisaha badan waxay ahayd mid dhexmartay Manchester City iyo Stoke City, taas oo Man City looga naxsaday 1- 0. Halka gool ee ciyaartaas ka dhashay waxaa Stoke u dhaliyay laacibka Biram Diouf oo

weerarka uga dheela. Si aad u qurux badan ayuu ula dhaafay difaaca Manchester City kana hoos bixiyay goolhaye Jo Hart.

Newcastle 3-3 Crystal Palace

QPR 1- 0 Sunderland

Swansea 3- 0 West Brom

West Ham 1-3 Southampton

Manchester United 0-0 Burnley

Natiijooyinka kulammada Sabtidan waxay muujinayaan in horyaalka Ingiriiska uu yahay kan adduunka ugu xiisaha badan looguna daawasho iyo dhegeysi badan yahay maadaama aan la saadaalin karin sida ay kooxuhu u

kala badinayaan.