Man Utd oo heshiis la gashay Blind

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Daley Blind oo heshiis afar sano ah u saxiixay kooxda Manchester United

Kooxda kubadda cagta ee Manchester United, ayaa waxa ay £13.8m kagala soo wareegtay kooxda Ajax, ciyaaryahanka meelaha badan ka dheela ee xulka Netherlands, ee lagu magacaabo Daley Blind.

Blind, oo 24 jir ah, ayaa u saxiixay kooxda Man United afar sano oo heshiis ah, waxa uuna ka mid ahaa ciyaaryahanadii uu tababaraha u ahaa Louis van Gaal, Koobkii Adduunka, waxa uuna ka dheelaa dadabka bidixe ee daafaca.

Kooxda Manchester United, ayaa sanadkan soo iibsatay shan ciyaaryahan oo uu ugu dambeeyay Blind, waxaana ciyaaryahanadaasi ku kacday lacag gaaraysa £143m.

Ciyaaryahan Blind, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ku biiro kooxda Mancherter United, uuna la shaqeeyo tababare Van Gaal.

Dhanka kalana tababare Gaal, ayaa isna sheegay in saxiixa ciyaaryahanka ay wax weyn uga dhigan tahay.

Todobaadkii hore, kooxda Man United ayaa rikoor cusub u dhigtay horyaalka Ingiriiska, kaddib markii ay Real Madrid kaga soo gadatay £59.7m ciyaaryahan Angel Di Maria.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan