Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda

Lahaanshaha sawirka 1
Image caption Ciyaaryahan Falcao oo Manchester United ay la soo wareygeyso.

Suuqa kala iibsiga ciyaartooda qaarada Yurub ayaa caawa 11-ka saqda dhexe xirmaya, waxaana kooxaha ay u suxul duubayaan in ay xilligaa ka hor lasoo wareegaan ama ay iska iibiyaan ciyaartoyda.

Hadal haynta ugu weyn ayaa ah weeraryahanka kooxda Monaco ee dalka Farasnsiiska ka dheela, Radamel Falcao oo qaab deyn ah ugu soo wareegaya kooxda Manchester United.

Balse dadka faaqida ciyaaraha ayaa sheegaya in Man United ay u baahantahay difaac adag oo ay hadda haysato weerar ku filan.

Macalinka kooxda Liverpool Brendan Rodgers ayaa sheegay in laga yaabo in uu soo iibsado hal ciyaaryahan ka hor inta aanay mudada dhammaan.

Liverpool ayaa lagu wadaa in ay iska iibiso Lucas oo aanan u safan labadiii ciyaar ee ugu dambeysay.

Shinji Kagawa oo u dheelayay Manchester United ayaa hadda ku wareegay kooxda Jarmalka ah ee Borussia Dortmund

Kooxda Arsenal ayuu waqtiga aad ugu yaryahay, waxaana ay u baahantahay in ay soo iibsato ugu yaraan hal laacib oo weerar ah.