Hernandez, oo ku biiriy Real Madrid

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Javier Hernandez,weeraryahanka Manchester United

Weeraryahanka Manchester United Javier Hernandez, ayaa ugu biiray kooxda Real Madrid ee ka dhisan dalka Spain hal sano oo amaah ah.

Ciyaaryahankan 26-jirka ah oo kooxda Manchester United ay ka soo gadatay Guadalajara, sannadkii 2010-kii, aya Real Madrid ayaa si rasmi ah ay u gadan karaan dhamaadka heshiiska.

Ciyaaryahankan xulka dalka Mexico ayaa ka sii tagaya naadiga Manchester United, kaddib markii kooxdaasi ay heshiis hal sano oo amaah ah ay la gaartay weeraryahanka kooxda Manaco, Radamel Falcao.

Kooxda heysata koobka horyaalada Yurub ee Real Madrid ayaa dooneysa in ciyaaryahankan ay ku xoojiso weerarkeeda, kaddib markii uu ciyaaryahan Alvaro Morata, uu ugu biiray lacag dhan £15.8m kooxda heysata horytaalka Talyiaaniga ee Juventus.

Hernandez, oo qandaraas uu Manchester United kula jiro uu ku egyahay bisha June sanadka 2016, ayaa waxa uu caawin doonaa weeraryahanka joogtada ah ee Real Madrid Karim Benzema.