Ciyaartooy lacag badan lagu iibsaday

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Man U oo ka soo iibsatay Angel Di Maria kooxda Real Madrid.

Waxaa xalay soo xirmay suuqa kala iibsashada ciyaartoyda ee England iyo weliba dalalka Yurub.

Kooxaha ka dhisan England ayaa kharash gareeyay lacagtii ugu badneyd abid ee ah dhanka soo iibsashada ciyaartooyda, waxaana lacagtaasi ay gaartay sanadkan 835 milyan oo lacagta Britain ah.

Kooxda Manchester United ayaa ugu kharash gareys badneyd, waxaana ay ciyaartooy kusoo iibsatay lacag dhan 149 milyan oo giniga Britain ah, Angel Di Maria ayayna lacagta ugu badan kala soo baxday, oo waxaa keligiis ay kula soo wareegtay 59.7 milyan oo lacagta Britain ah.

Lacagta ay Manchester United xilligan kharash gareysay ayaa hal milyan un ka badan lacagtii ay Manchester City kharash garaysay sanadkii 2009-kii, xilligaas oo ciyaartooy badan ay soo gadatay kaddib markii uu iibsaday Sheekha u dhashay Imaaraadka Carabta ee Sheekh Mansuur.

Waxaa la joogaa sida uu kharashkan badan ee ay Man U isticmaashay wax uga bedeli karo xaallada liidata ee kooxda uu macalinka u yahay Luwii Van Haal.