Arsenal oo wacdaro dhigtay toddobaadkan

Danny Welbeck
Image caption Danny Welbeck oo gool dhalinaya

Ciyaaraha Sabtidan dhacay waxaa guulasytay saddex kooxood oo kala ah:

Arsenal oo 3-0 ku tuntay Aston Villa, West Ham oo 3-1 uga adkaatay Liverpool iyo Southampton oo 1-0 ku martay Swansea:

Waxaa barbardhac ku dhammaaday kulammadii dhexmaray Kooxha:

QPR iyo Stoke oo 2-2 gool iskula garab dhacay.

Newcastle iyo Hull oo 2-2 isku mariwaayay.

Burnley iyo Sunderland 0-0 ayay isla dhaafi waayeen.

Waxaa toddobaadkan aad u khasaartay Liverpool oo guuldarrooyin isdaba joog ah la kulantay kulammadeedii ugu dambeeyay ee tartanka horyaalka Ingiriiska oo saddex jeer laga badiyay shantii ciyaarood ee ilaa iyo hadda la ciyaaray.

Liverpool nasiib ayay lahayd markii ay saddexda dhibcood ka heshay kooxda aan la aqoon ee Ludogorets ee dalka Bulgaria bartamihii toddobaadka, ciyaartaas oo ka tirsanayd horyaalka Yurub. Galabta, nasiibkii waa uu ka dhammaaday.

Aston Villa waxay la kulantay guuldarradii ugu horreysay intii horyaalku bilawday sanadkan.