Toddobaadka 7aad ee horyaalka Ingiriiska

Liverpool team Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Kooxda Liverpool oo badisay Sabtidan

Ciyaaraha Premier League ee Sabtidan dhacay waxaa guulasytay kooxaha: Liverpool, Sunderland, Hull iyo Manchester City.

Adam Lallana iyo Jordan Henderson ayaa Liverpool u kala dhaliyay goolasha ay 2-1 uga adkaadeen West Brom, waana guushii ugu horreysay Liverpool tan iyo bishii August oo tartankani soo bilawday.

Papiss Cisse laba gool ayuu u dhaliyay Newcastle, taas oo culayska ka debcisay maamulaha kooxda Alan Pardew markii barbardhac 2-2 ah ay la galeen Swansea.

Sunderland 3-1 ayay uga adkaatay Stoke. Fletcher ayaa gacan ka geystay in Sunderland ay gaarto guusheedii ugu horreysay tan iyo bilawgii tartanka.

Hull 2-0 ayay ku dhufatay Crystal Palace. Kooxda Hull markii ugu horreysay ayay badisay wixii ka dambeeyay maalintii furitaanka horyaalka.

Leicester iyo Burnley 2-2 ayay isla dhaafi waayeen.

Manchester City waxaa qaybtii hore dhuunta u gashay Aston Villa oo barbardhac 0-0 ah ay ku kala baxeen. Hase yeeshee qaybtii 2aad ee ciyaarta ayaa Yaya Toure iyo Aguero laba gool isu-daba dhigeen.

Waxaa lagu jiraa toddobaadkii 7aad ee tartanka horyaalka maalin walbana xiisaha ciyaaruhu way sii kordhayaan maadaama ay adag tahay in la sii saadaaliyo natiijooyinka kulammada kooxaha dhexmara.