Warar ku saabsan horyaallada Yurub qaarkood

Real Madrid and Barcelona Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona

Ciyaar aad u xiisa badan oo dhexmartay kooxaha ugu xoogga badan tartanka LALIGA ee dalka Spain ee Barcelona iyo Real Madrid ayaa waxaa ku guulaysatay kooxda Real Madrid oo 3-1 ku badisay.

Guushani waxay soo gaabisay farqiga kala horreynta labadan kooxood oo hadda Barcelona oo tartanka hoggaaminaysa ay hal dhibic oo keliya ka horreyso Real Madrid.

Saddexda gool waxaa Real Madrid u kala dhaliyay Ronaldo, Pepe iyo Benzema.

Goolka Barcelona waxaa dhaliyay Neymar.

Kooxda Almería waxaa iyadana ka badisay Atlethico Bilbao oo 1-0 uga adkaatay.

Horyaalka Ingiriiskana:

Waxaa guuldarro weyn la kulantay kooxda Manchester City ee haysata koobka loo tartamayo kaddib markii kooxda West Ham ay 2-1 ku martay. Waxaa kaloo khasaare weyn la kulantay kooxda Sunderland oo Arsenal ay ku martay 2-0 iyadoo labada goolba uu u dhaliyay laacibka Sanchez oo ka faa'iidaystay khaladaad ay sameeyeen difaaca iyo goolhayaha Sunderland.

Waxaa toddobaadkan mar kale guulaysatay kooxda Southampton oo 1-0 ku dhufatay kooxda Stoke, isla markaana soo gaartay kaalinta 2aad ee kala horreynta kooxaha oo Chelsea ay hoggaanka u hayso iyo Swansea oo 2-0 uga adkaatay Leicester.