Gabar u oroda Kenya oo laga helay daroogo

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Rita Jeptoo ayaa laga joojiyay abaalmarin lasiin lahaa

Haweeneyda ugu sareysa ciyaaraha Orodada dheer ayaa jirkeeda laga helay maandooriye ay isticmaashay.

Guddiga ka shaqeeyan ciyaaraha Marathon ka caalamka ayaa ku warramay in gabadhan Kenya u dhalatay ee lagu magacaabo Rita Jeptoo, oo si weyn ugu guuleysatay tartamadii Boston iyo Chicago labadii sano ee la soo dhaafay, ayaa siisay muunad fiican tijaabada tartamadii dhowaanahan.

Rita Jeptoo ayaa lagu waday in Axada beri ah ay qaadato lacag abaalmarin ah oo dhan 500 oo kun oo dollar, kaddib markii ay kaalinta koowaad ka gashay tartamo is xigxigay oo ah orodka masaafada dheer ee caalamka.

Balse waxaa la baajiyay munaasabada lagu gudoonsiin lahaa lacagta, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in dhiigeeda laga helay maado mamnuuc ka ah orodyahanada.

Maadadaasi ayaa la aaminsan yahay in ay tahay midda xoojisa dhiiga oo lagu magacaabo EPO.

Jeptoo, ayaa laba goor ku guuleysatay orodka dheer ee Chicago, waxaana sidoo kale ay saddex jeer ku guuleysatay tartanka orodka dheer ee Boston.

Waxa ay ka mid noqoneysaa orodyahano Kenya u dhashay ee horay dhiigooda looga helay maadooyin darooga ah.

Waxaa si weyn loo dhaliilay barnaamijka ka horta isticmaalka maadooyinkaasi ee dalka Kenya.

Balse Kenya ayaa eeda saartay wakiilada shisheeye ee ay orodyahanada leeyihiin iyo wacyi galinta oo yar.