Chelsea ayaa hoggaaminaysa tartanka

Chelsea FC Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Kooxda Chelsea oo gool u dabbaaldegaysa

Ciyaaraha Premier League ee Sabtidan dhacay waxaa guulaystay kooxaha Newcastle oo 1-0 uga badisay Liverpool.

Arsenal oo 3-0 uga adkaatay Burnley.

Chelsea oo 2-1 ku martay QPR

Southampton oo 1-0 uga badisay Hull

West Brom oo 1-0 ku dhufatay Leicester

Waxaa ismari waayay kooxaha Everton iyo Swansea oo 0-0 ku kala baxay

iyo Stoke iyo West Ham 00 2-2 isla dhaafi waayay.

Kulammada sida gaarka ah isha loogu hayay waxaa ka mid ah ciyaarta Liverpool iyo Newcastle iyo tan dhexmartay Chelsea iyo QPR.

Chelsea way badisay hoggaankana si fiican ayay u qabatay inkastoo ay yaraatay tirada goolasha ay ku badin jireen taas oo loo aaneynayo weeraryahankooda koowaad ee Diego Costa oo aan u safan kulammada qaarkood. si kastaba ha ahaatee sagaal dhibcood ayay ka horreeyaan kooxda loollanku kala dhexeeyo ee Manchester City.

Laakiin Liverpool waa laga badiyay, waxaana cadaadis ku kordhayaa maamulaha kooxda Brendan Rogers oo sanadkan kaalintii laga filayay aan weli ka soo muuqan.

Laacibka Ayoze Perez ayaa goolka guusha u dhaliyay Newcastle oo markii 4aad si xiriir ah u badisay kulammadii ay u safatay toddobaadyadii ugu dambeeyay.

Guushani waxay culays badan ka qaadday maamulaha Newcastle Alan Pardew oo xilligan oo dhan ay taageerayaashu ku qaylinayeen in shaqada laga eryo laakiin maanta waxay ku dhawaaqayeen dib ayuu u soo noolaaday Pardew.