Shuruudaha Codaynta abaalmarinta BBC ee cayaaryahanka Africa

Ciyaaryahanka Afrika ee BBC sanadkan; shuruudaha iyo qaabka codeynta

Ciyaaryahanka Afrika ee BBC ee sanadka 2014-ka waxaa looga dhawaaqi doona si toos ah barnaamijka BBC ee Focus on Africa iyo kan BBC World News kowda December, saacadu marka ay tahay 8-da fiidnimo Geeska Afrika.

Faahfaahinta codeynta iyo shuruudaha hoos ayay ku qoran yihiin.

Qaabka looo xulay

Magacaabista shanta nin ee xulka ah ayaa waxaa diyaariyay khubaro kubada cagta ee Afrika, waxaana la weydiiyay khubarada in ay magacaabaan 5 musharax ee ugu sareyso ee ay doorbidayaan.

Waxaa sidoo kale la weydiiyay in ay ku doortaan dadka ay xulanayaan xirfadaha soo socdo: xirfadda shaqsi ahaaneed; awoodda farsamo; wadda shaqeynta; joogteynta; saamaynta uu ku leeyahay natiijooyinka iyo cayaar wanaaga.

Xulashada waxaa lagu dhawaaqi doonaa inta lagu jiro barnaamijka Newsday ee soo galaya 8:45 aroornimo 10-ka November. Sidoo kalena waxa lagu qori doonaawww.bbc.com/africanfootball.

Haddii ay dhacdo in kaalin ay laba ciyaartooy isla qabsadaan, kooxda soo saareysan barnaamijka ciyaartooyda Afrika ee 2014-ka, ayaa xaq u leh in ay tirade ka dhigaan ugu badnaan 6 ciyaaryahan.

Cidda ka qeyb qaadan karta

Dadka xaq ayay u leeyihiin in ay ku guulesstaan abaalmarinta ciyaaryahanka sanadka ee BBC-da haddii ay yihiin kuwa xaq u leh in ay mateli karaan xulka qaran ee dalkooda Afrika.

Codeynta dadweynaha

Marka la shaaciyo xulashada, abaalmarint waxaa go’aan ka gaari doono dadweynaha. Dadka waxa ay ku codeyn karaan dhinaca Online ka iyaga pp ku codeynaya website-ka iyo fariin gaaban oo qoraal ah.

U codeynta hannaankaan waxa daaha laga qaadaya saacadu marka ay tahay 8:45 Geeska Afrika, maalinnimada Isniinta ee 10 November, waxaana ay xirmi doontaa 9:00 fiidnimo ee maalinnimada Isniinta 24 Novermber.

Tirada codadka Onlineka waxaa lagu dari doona codadka fariin qoraalka gaaban, natiijada ugu danbeysana waxaa laga heli doona bogga BBC ay u sameysan ciyaaryahanka Afrika ee sanadka oo ay la socdaan dhammaan shuruudaha iyo xaaladaha.

Haddii ay dhacdo in ay jiraan sinnaan, abaalmarinta waa la qeybsan doonaa.

Codeynta dadweynaha- shuruudaha iyo xaaladaha

1. Codbixintan waxaa maamulaysa BBC-da, abaalmarintana waxaa ay ku xirantahay buuxinta shuruudaha anshaxa ee BBC da oo laga aqrisan karo bartanwww.bbc.co.uk/competitioncode.

2. ciyaaryahanka guuleysta waxa uu heli doona bilad, waxaana lagu abaalmarin doonaa magaca ciyaaryahanka Afrika ee BBC sanadka 2014.

3. xulashada ciyaaryahanka sanadka ee BBc Afrika waxa sameyn doona guddi khubaro kubada cagta Africa oo dhan.

4. shurrudaha xulashada waxaa lagu saleyn doonaa sida soo socoto; xirfadda shaqsi ahaaneed; awoodda farsamo; wadda shaqeynta; joogteynta; saamaynta uu ku leeyahay natiijooyinka iyo cayaar wanaaga.

5. xulashada waxaa loo bandhigi doonaa codeynta dadweynaha iyaga oo kula soo xariirayo fariin qoraaleed kuna soo hagaajinaya websitka ciyaaryahanka sanadka ee BBC Afrikawww.bbcworldservice.com/africanfootballeriyowww.bbc.com/africanfootball. Sidoo kalena waxaa la isticmaali karayaa cod ayadoo la duubayo. Codadkana waa xadidanyihiin ilaa hal cod qofkiiba, sidoo kalana ugu badnaan hal cod kombiyuutarkiiba.

6. tirada fariin qoraalka ee dhammaan musharixiinta waxa ay noqonayaan isku mid waxa ayna ahaanayaan kuwo la shaaciyo saacadu markay tahay 0545 GMT 10 November 2014 waxaana hawada laga sii deyndoonaa laguna daabici doona websiteka codeynta.

Tartamaha ama musharax kasto, waxa uu lahaan doonaa nambar ama furo taas oo la doonayo in ay soo baxdo marka ay codeyntu billaabaneyso.

7. Gudaha dalka UK, fariin qoraaleedyada gaagaaban waxaa ay goosaneysaa lacagta caadiga ah ee shirkadaha, lacagaha ka go’aya dalalka waa ay kala duwanaan karaan, sidaas darted fadlan iska eeg akoonkaada.

Fadlan iska hubi in aad taabaneyso furaha kaliya ama tirada namabarada ciyaaryahanka aad dooneyso in aad u codeyso. Fariin qoraal kasta ee qaldan kaas oo nasoo gaaro malagu tirin doono mid la codeeyay balse fariinta wali waa ay goosanee lacagta.

Waana in aad heysataa ogolaanshaha lacag bixinta lka hor inta aadan codeyn. wax la celin doonana ma jiri doonto, xaqiijinta fariinta gaaban bounceback waxa ay qeyb ka tahay codeynta .

8. BBC waxa ay isticmaali doonta oo keliya faahfaahintaada shaqsiyadeed iyadoo ujeedaduna ay tahay si ay ula socoto codeyntaada mana la daabici doono ama lama siin doono cidkale adiga oon ogolaan.

Haddii aad jeceshahay in aad wax badan ka ogaato Qaanuunka Arrimaha Khaaska ah BBC-da, fadlan ka eeg qaanuunka Arrimaha BBC da.

9. Waqtiga ugu danbeeya ee codaynta waa 1800 GMT Isniinta 24 November 2014.

Fadlan hasoo codeyn inta aan la furiin qadadka, ama qadadka markii la xiro, maadaama aan la xisaabineyn codeyntaas, balse fariintaada wali waa ay shaqeynee.

10.Go’aanka codeynta waa gabagabo mana jireyso in ay galaan.

11. abaalmarinta waa in loo qaata sida ay tahay mana la dib dhigi karo. Sidoo kalena Majiri doonaan wax lacago cadiin ah oo badal ahaan loo qaadanayo. Mana jiri doonaan abaalmarin cod bixinta ah.

12. BBC da, hay'adaha xiriirka la leh, qaybaha la shaqeeya iyo/ama kuwa ay wakiilato ma aqbalayaan wax masuuliyad ah intii ay doonto ha la ekaatee guuldarro farsamo ama cilad ama dhibaato kale oo qadka telefoonka ah, helitaanka internet-ka, nidaamka, kaydiyaha internet-ka, shirkadda qadka bixisay ama hadii kale ay wax ay dhici karto in ay keento in codku uu lumo ama aan si hagaagsan oo diiwaangalin ama aan loo duubin.

13. No ineligible entries will be considered. The BBC reserves the right to disqualify votes if it has reasonable grounds to suspect that fraudulent voting has occurred or if it considers there has been a deliberate attempt to manipulate the result

14. BBc waxa ay xaq u leedahay in diido codeyntaan, haddi ay u aragto in ay lama huraan tahay, ama ay soo baxaan waxyaabo aan la xakameyn Karin. Xaalad kasto oo wax lagu joojinayo, cilad farsamo ama cilad xagga telefonka wax lagu duubay ah, ama codeynta xaga Online ka ah, BBC da ayaa xaq u leh in ay habeyso g’aana ka gaarto cida guuleysaneyso ama lagu beddeli karo codeynta telefoonka.

15. kuwa ka qeybqaadanaya codeyntaan waa in ay yihiin kuwa uu ogolaanayo sharciyadaan sidoo kalena laga ogolaaday in ay sharciyihiin.

16. dhammaan codeynta waxaa dib u eegis ku sameyn doona BBC Africa iyo BBC World Service Future Media.

17. BBC waxaa ay xaq u leedahay in mamnuucdo musharax ama ay kala laabato abaalmarin uu mudnaa, taas oo macnaheedu yahay farxad, taas oo loo aaneynayo in ay abaalmarintu ku kleeni karto halisyo u keenta sumcad xumo BBc da.

18. sharcyadaan waxa ay quseeyaan sharciyada England iyo Wales.