Natiijooyinka horyaalka ee toddobaadkan

Wayne Rooney
Image caption Wayne Rooney oo gool u dabbaaldegaya

Ciyaaraha Premier League ee Sabtidan dhacay waxaa guulaystay kooxaha:

Arsenal, Liverpool, Manchester United, QPR iyo West Ham.

Burnley iyo Aston Villa, Swansea iyo Crystal Palace waxay ku kala baxeen barbardhac 1-1 gool ah.

Newcastle oo toddobaadyadii ugu dambeeyay soo hagaageysay Sabtidan waa laga adkaaday waxayna mar kale culays ku kordhin doontaa maamulaha kooxda Alan Pardew.

Arsenal iyo Manchester United-na waxay u muuqdaan inay ka soo kabanayaan guuldarrooyinkii ay la kulmeen bilawgii horyaalka.

Man United waxay hadda ku jirtaa kaalinta 4aad ee kala horreynta kooxha ku loollamaya horyaalka Ingiriiska.

Tartanka waxaa hoggaaminaysa kooxda Chelsea oo sanadkan meel wanaagsan uga jirta premier league-ga Ingiriiska iyo champions league-ga Yurub labadaba.