Isku aadka ciyaaraha kooxaha qaramada Afrika

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Tartamadii dalalka ay ugu soo baxaayeen ciyaaraha Afcon

Waxaa la sameeyay sida ay isugu aadayaan kooxaha 16-ka ah ee ka qeybgalaya ciyaaraha kubadda cagta ee Qaramada Qaaradda Afrika.

Kooxah,a ayaa loo qeybiyay 4 Group.

Dalka Aljeeriya, oo ka mid yahay dalalka ugu sareeya Cayaaraha Kubadda Cagta Africa, ayaa ku jirta Group-ka geerida ee C. Waxay isku qayb yihiin oo ay la tartami doontaa kooxaha dalalka Ghana, Senegal, iyo South Afrika.

Waa Afar koox oo aad u adag, tartan culus ayaa la filayaa in ay u gali doonaan labada koox ee ka gudbaya Group-kan.

Aljeeriya ayaa gaartay wareegga labaad ee ciyaaraha adduunka ee lagu qabtay dalka Brazil sanadka 2014..

Dalka martigelinaaya cayaaraha Qaramada Qaaradda Africa ee Equitorial Guinea, ayaa la cayaari doono, Gabon, Congo iyo Burkina Faso oo ay iskula jiraan Group-ka A.

Sidoo kale Group-ka B, waxaa ku jira, Zambia, DR Congo, Cape Verde iyo Tunisia.

Group-ka D-na ay ka mid yihiin Ivory Coast, Guinea, Cameroon iyo Mali.