FIFA oo aqbashay siideynta warbixinta musuqmaasuqa

Lahaanshaha sawirka
Image caption Sepp Blatter, waxaa sawirkan laga qaaday 2010-kii oo ah markii Qadar loo doortay qabashada ciyaaraha 2022-ka

Xiriirka kubadda cagta ee Adduunka ee FIFA ayaa si buuxda aqbashay in la daaboco warbixin ku eedeyneysa musuqmaasuq hareeyay labada xilli ciyaareed ee soo socda ee ay kala qaban doonaan Ruushka iyo Qadar.

Balse, madaxweynaha guddiga FIFA, Sepp Blatter, ayaa sheegay in warbixinta loo siidaayo qaab haboon, iyo kaddib marka la dhameeyo baaritaanka shqasiyaadka la magacaabay.

Ma uusan sheegin muddada ay arrintan qaadaneyso balse waxa uu qiray in guddiga anshaxa looga baahan yahay inay sidegdeg ah jawaab u bixiyaan.

FIFA ayaa lagu eedeynayaa inay musumaasuq sameysay xilligii la xulanayay dalalka marti gelinaya ciyaaraha ee 2018 ka iyo 2022 ka, ee lagu kala qabanayo dalalka Ruushka iyo Qadar.

Balse labada dal ayaa diiday eedaha ah inay laaluush bixiyeen si loogu doorto qabashada ciyaaraha kubadda cagta. FIFA dhankeeda waxy diiday dhowr warbixinno oo horey loo daabacay.