Senegal iyo Aljeeriya oo badiyay

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Koobka Qaramada Afrika

Kulamada Isniinta la dheelay ee koobka Qaramada Afrika, Aljeeriya ayaa 3-1 kaga badisay Koonfur Afrika.

Xulka Koonfur Afrika ayaa ku hormaray goolka dhammaadka qeybta hore ee ciyaarta, waxaana ay sidoo kale iska khasaariyeen gool ku laad.

Xulka Aljeeriya, oo ka mid ah kooxaha ugu adag tartankan, ayaa saddexda gool dhaliyay qeybtii labaad ee ciyaarta.

Sidoo kale waxaa wada ciyaaray xulalka Ghana iyo Senegal, waxaana guusha 2-1 ay ku raacday Senegal.

Senegal ayaa labada gool gadaal ka keentay, waxaana goolka guusha ay dhalisay daqiiqadii ugu dambeysay ciyaarta.

Kabtanka xulka Ghana, Asamoah Gyan, ayaa ciyaarta ka maqnaa kaddib markii ay ku dhacday Malaariyo.