Cayaaraha Africa 2015 Group B

Cayaaro xiiso leh, ayaa xalay dhexmaray kooxaha Group-ka B. Labada kulanba barbarro ayay ku dhamaadeen, Dr Congo iyo Tunisia waxay ku kala baxeen 1-1, iyadoo Cape Verde iyo Zambia-na ay ku dhamaatay 0-0.

Waxaa Group-kan qaybta sideedda koox ee Quarter final-ka u gudbay Tunisia iyo DRC.

Tunisia dhibic kaliya ayay u baahnayd, halka Congo iyo Cape Verde ay rajadoodu isku xirnayn. Hadii Cape Verde iyo Congo ay labaduba badin lahaayeen, way soo wada bixi lahaayeen. Balse, Tunisia dhibicdii ay u baahnayd ayay heshay, iyadoo Congo ay ku badbaaday in Cape Verde iyo Zambia ay kala badin waayeen.

Group C- Caawa ayay cayaarayaan, Senegal waxay la dheelaysa Algeria, halka Koonfur Africa ay kulmayaan kooxda Ghana. Senegal ayaa 4 ku hogaaminaysa oo u baahan oo kaliya dhibic.Ghana iyo Algeria min sadex ayay leeyihiin, hadii ay barbarro noqdaan Ghana ayaa soo baxaysa hadiise Algeria ay ka badiso Senegal, Ghana waay u baahanaysaa in ay ka badiso Koonfur Africa si labadooda ay u soo baxaan

Habeen dambe ayaase cayaaro kuwii ugu xiisaha badnaa ay jiraan Waa Group D oo afarta koox ee ku jirtaa, horayna loogu tilmaamay group-ka dhimashada.

Ivory Coast iyo Cameroon ayaa kulmaya, Guinea iyo Mali-na way is arkayaan.

Cayaarahoodii hore min dhibic ayay ku dhamaadeen oo koox walba 2 dhibic ayay leedahay. Natiijadoodu waxay ku xiran tahay in koox walbaa sida ay u badiso. Hadii kale waxaa loo eegayaa sida ay hadda u kala horeeyay hadii barbarro ay noqdaan oo ah in Ivory Coast iyo Mali ay soo baxaan.