Ciyaar dhex maridoonto dalal uu xifaaltan ka dhexeeyo

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Labada dal ee dariska ah ee uu xifaaltanka ka dhaxeeyo ayaa lagu bilaabayaa ciyaaraha rubac dhammaadka ee tartanka.

Oo Congo Brazzaville ayaa waxa ay ka hortegi doontaa kooxda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, oo uu ka maqan yahay ciyaaryahankooda weyn ee Yuusuf Mulumbu, kaddib dhaawac soo gaaray.

Kooxdan ayaa soo baxday kaddib markii ay saddex barbaro ka soo aruursatay ciyaarihii groupyada.

Image caption Wareegga sideedda koox ayaa loo gudbay hadda

Haatanse waa inay wax ka badalaan qaabka ay u dheelayeen waa haddii ay doonayaan inay tartanka ka sii mid ahaadaan.

Kooxda Congo Brazzaville ayaa markii labaad u soo gudubtay wareegga rubac dhammaadka Koobkan, halka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo ay shan jeer heerkan soo gaartay, marna waa ayba qaadeen koobkii kaddib markii ay 17 sano ka hor si layaab leh uga guulaysteen xulka Cameroon.

Tababaraha xulka Congo Brazzaville, Claude LeRoy, ayaa waxaa uu ku rajo weyn yahay inuu ka faa’iidaysan doono aqoonta uu u leeyahay kooxda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo.

Image caption Garoomada ayaa si qurux badan loo dhisay

Waxa ay noqon doontaa ciyaartii ugu horreysay ee ay ku kulmaan labadan dal ee dariska ah muddo 41 sano ah, xilligaasi oo Congo ay 2-1 ku dubatay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo.

TUUNIYA VS EQUATORIAL GUINEA

Isla garoonkaasi Bata waxaa ku wada dheeli doona kooxaha Tuuniisiya iyo Equatorial Guinea.

Kooxda tartankan martigalinaysa ee Equatorial Guinea ayaa waxa ay rajaynaysaa inay ka faa’iidaysan doonto ciyaarta laga soo wareejiyay garoonka ku yaalla magaalada yar ee Ebebeyin ee loosoo wareejiyay garoonka weyn ee Bata.

Oo taageerayaashooda ayaa waxa ay aad u jeclaan lahaayeen in kooxdooda ay u gudubto nus dhammaadka tartanka halkaana ay taariikh ku sameyso.

Image caption Waxaa sidoo kale dadka laga wacyi gelinaayaa Ebola

Kooxdan ayaa markii ugu horreysay gaartay rubac dhammaadka tartankan sanadii 2012-kii markaasi oo ay tartanka martigaliyeen.

Tuuniisiya ayaa dhowr jeer oo hore soo gaartay heerkan iyadoo mararna laga badiyay mararkalana ay iyadu adkaatay.

Taageerada iyo dhiirigalinta ay taageerayaasha Equatorial Guinea la garab taagan yihiin kooxdooda ayaa waxaa aad ula socdo tababaraha Tuunis Georges Leekens, kaasi oo sheegay in kooxdiisa ay ku tiirsanaan doonto ciyaar wanaagsan si ay uga soo baxdo kooxda Equatorial Guinea.

Image caption Magaalada Malabo waxaa ku yaalla garoon ka mid ah kuwa tartamada ay ka socdaan

Labadan kooxood ayaa waxaa u dhaxeeyo farqi aad u weyn markii ay timaado kala horreynta shaxda kubadda cagta ee Afrika iyo Caalamkaba.

Waana markii ugu horresyay oo ay ku kulmaan Koobka Qaramada Afrika, hasayeeshee waxa ay ku wadajireen group loogu soo baxaayay Koobkii Adduunka ee 2014-kii, markaa oo marna ay Tuuniisiya ay 3-1 ku adkaatay marna ay barbaro 1-1 ah ku kala baxeen kooxda Equatorial Guinea.

Balse maantaba waa maalin hor leh.

Image caption Waa garoonka Malabo