Natiijooyinka ciyaaraha horyaalka ee Sabtidan

Louis Van Gaal Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Maamulaha Manchester United Van Gaal

Natiijooyinka ciyaaraha horyaalka Ingiriiska ee galabta dhacay:

West Ham 1-3 Crystal Palace.

Burnley 0-1 Swansea.

Man Utd 2-0 Sunderland.

Newcastle 1-0 Aston Villa.

Stoke 1-0 Hull

West Brom 1-0 Southampton.

Manchester United waxay badisay kaddib jahawareer ka dhashay warqadda cas oo loo taagay laacibka Wes Brown iyadoo sida muuqatay uu garsooruhu ku khaldamay cidda jallaaftay weerarkayahanka Manchester United ee Radamel Falcao oo lagu riday xerada ganaaxa dhexdeeda sidaasna rigoore loogu dhigay.

Weeraryahanka Cisse waxaa uu walaaca ku sii kordhiyay Villa.

Maamule Tim Sherwood waxaa uu weli sugayaa guushiisa koowaad ee kooxda dhibaateysan ee Aston Villa kaddib markii ay Newcastle 1-0 uga adkaatay.

Axadda waxaa dhacaya laba ciyaarood oo aad u qiima badan.

Waxaa isaga hor imanaya kooxaha:

Liverpool iyo Manchester City

Arsenal iyo Everton