Laacib hore oo geeriyooday

Waxaa ku geeriyooday dalkan Britain Dave Mackay oo ahaan jiray halyey xagga kubbadda cagta ah oo khadka dhexe uga ciyaari jiray kooxo ay ka mid yihiinTottenham iyo xulkiisa Scotland.

Dave ayaa waxaa uu ahaa sideetan jir.

Inta uu Mr. Mackay ka jiray ciyaaraha Britian iyo Yurub ayaa waxa uu ku guulaystay 10 abaal marin sharafeed.

Ciyaaryahanka ayaa waxaa ku guulaystay abaalmarino qiimo leh, oo mar ayaa waxaa loo magacaabay in uu yahay ciyaaryahanka ugu wanaagsan sanadka ee Scotland iyo England, ka dib markii xulka qaranka ee Scotland uu u saftay laba iyo labatan ciyaarood.

Ciyaaryahankan geeriyooday ayaa markii dambe waxa uu tababare u noqday kooxaha Walsall, Doncaster, Birmingham iyo kooxo kale.

Laacib hore ugu ciyaari jiray Manchester United, George Best, waxa uu mar ku tilmaamay in uu yahay ciyaaryahankii ugu adkaa ee uu abid ka hor tago.