Qiimeynta kubadda cagta aduunka

Horyaalkee ugu wanaagsan caalamka?

Lahaanshaha sawirka AFP

Nuxurka: iyadoo kooxaha Ingiriiska ee ka qaybgalayay horyaalka Yurub ay guuldarooyin soo wajaheen, ayaa BBC eegaysaa ciyaaraha kubadda cagta ee ugu wanaagsan dalalkan, haddii ay noqon laheyd daawadayaasha, cayaartoyda, lacagta, darajada iyo tartanka. Adiga maxay kula tahay?

Waxaa la sheegaa in lacag aadan ku iibsan karin farxad. Ciyaaraha kubadda cagtana lacagta kuuma damaanad qaadayso guul.

Casharkan ayuu tartanka Ingiriiska ee Premier League u bartay si adag – Tartanka naadiyada ee ugu lacagta badan, ugu caalamisan, loona haysto in uu yahay kan ugu soo jiidashada badan.

Ma jirto koox Ingiriis ah oo u gudubtay rubac dhamaadka horyaalka Yurub, taas oo loo arko in ay tahay tartanka ugu wanaagsan caalamka.

Waa markii labaad oo ay dhacdo in kooxaha Ingiriiska ay ka haraan horyaalka Yurub muddo sedex sanno ah, taas oo su’aalo galinaysa heerka uu gaarsiisan yahay tartanka horyaalka Yurub ay kula jiraan horyaalada uu loolanka kala dhaxeeyo sida La Liga-ha Spain, Bundesliga-ha Jarmalka iyo Serie A-da Talyaaniga.

Hadaba, waa tee ciyaarta kubada cagta ee ugu wanaagsan? Dalkee baa la dhihi karaa shaki la’aan, wuu qaadan karaa sumcadaas?

Si su’aalahan looga jawaabo, BBC waxay is barbardhigtay afarta tartan ee ugu magaca wayn adduunka oo shan dhinac laga eegayo,iyadoo laga reebayo arrinta isku koobidda qaab ciyaareedka kubadda cagta ee ay dhici karto in aad ka hesho. Waa tan natiijada soo baxday.

KOOBABKA

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Ma jiro dal Spain kula tartami kara dhinaca koobabka. Waxaana cad in horyaalkan uu yahay midka ugu guusha badan 15-kii sano ee la soo dhaafay tartamada Yurub.

Farqiqa u dhaxeeya ayaa ah mid ballaaran, waayo koobabka lagu guulaystay ee horyaalkan, way ka badan yihiin kuwa kale marka la isku daro koobabka naadi walba uu qaaday ee kooxaha Spain.

Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa mid walba wuxuu haystaa sadex koob oo ah horyaalka Yurub. Kooxda Sevilla waxa ay ku guulaysatay sadax koob oo ah Uefa Cup, Atletico Madrid waxa ay ku guulaysatay laba koob oo ah UEFA Cups, iyo Valencia oo leh hal koob.

Ingiriiska ayaa ku jirta kaalinta labaad- kooxaha Ingiriiska ayaa ku guulaystay sadex koob oo ah horyaalka Yurub shan iyo tobankii sano ee u dambeeyay, waxaana koobabkaasi Ingiriisa u qaaday kooxaha Manchester United, Liverpool iyo Chelsea. Liverpool iyo Chelsea, waxay min hal koob ka qaadeen koobka Uefa.

Talyaaniga ayaa ku guulaystay sadex koob oo horyaalka Yurub ah, laba koob waxaa u qaaday AC Milan halna waxaa qaaday Inter, halka Jarmalkana uu ku guulaystay oo kaliya laba koob oo horyaalka Ingiriiska ah, waxaana u qaaday koobkaasi kooxda Bayern Munich sanadahii 2001 iyo 2013.

Saagashameeyadii kooxaha Talyaaniga, ayaa haysatay sadax koob oo ah European Cup / Champions League iyo todoba koob oo UEFA ah.

Dib u qaabayntan kubadda cagta Europe, ayaa sidoo kale ay ka muuqataa sida tartanka UEFA uu u unkay qaabka go’aan ka gaaridda kuwa cayaaraha ugu awoodda badan tartanka Championship-ka: Spain, Ingiriiska, Jarmalka iyo Talyaaniga ayaa ku jira afarta kaalin ee ugu saraysa.

Go’aan: 1. La Liga, 5 dhibic. 2. Premier League, 3 dhibic. 3. Serie A, 2 dhibics. 4. Bundesliga, 1 dhibic.

LOOLANKA

Lahaanshaha sawirka Getty

Tababaraha Boortaqiiska ah, Jose Mourinho ayaa mar shaaca ka qaaday sida uu u jecel yahay kubadda cagta Ingiriiska in ay sabab u tahay sida loogu loolamo, maadaama koox walba oo ku jirta tartanka ay tan kale ka badin karto.

Taa ka duwan, waxaa caadi iska ah in tartanka Spain uu noqday mid koobabku ay wadaagaan inta badan kooxaha Real Madrid iyo Barcelona.

Tan xiisaha leh waxay tahay,iyadoo uu hogaaminayo Mourinho’s ay Real Madrid, ayaa looga adkaaday faynalka tartanka Copa del Rey oo Atletico Madrid ay hanatay tartanka La Liga sanadkii hore.

Balse sida dhabta ah, hadii labada sare meesha laga saaro, Spain waxaa tartanka Champions League u soo gudbo kooxo aad u kala duwan. Isu gayn, 12 naadi, ayaa ku guulaystay in ay soo baxaan ugu yaraan hal mar tobankii sano ee ugu dambeeyay, kuwaas oo ku soo gudbay in ay tartanka La Liga 3 koox ee ugu saraysa ka mid noqdeen.

Jarmalka kooxaha soo galay waa 11; Talyaanigana waa 10.

Ingiriiska, hase yeeshee, oo kaliya 7 koox ayaa isu badbadalayay afarta koox ee ugu sare marta.

"Tartanka Premier League-ga wuxuu leeyahay wax soo saar aad u wanaagsan,” waxaa yiri Danny Mills oo horay difaac uga cayaari jiray kooxda Ingiriiska.

“Awoodda daawashada waa heer sare, waayo mar walba xiisuhu ma is dhimo, kooxda u hoosaysa ayaa garaawi kara oo ka badin kara kuwa ugu sareeya, taasina waa mid ka duwan tartamada kale ee adduunka, markay noqoto sinnaan run ah.”

Dhinaca kale, hadii goolashu yihiin kuwa ugu macnaha wayn, tartanka Bundesliga ayaa ah kan markiiba soo muuqanaya – celcelis ahaan 3.1 gool ayaa ka dhashay cayaartiiba tartankii dhacay 2013-2014.

Horyaalada kale waxay gaareen celcelis la mid ah 2.7 gool cayaartiiba.

Go’aan: 1. Bundesliga, 5 dhibic. 2. La Liga, 3 dhibic. 3. Series A, 2 dhibic. 4. Premier League, 1 dhibic.

DADWAYNAHA

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Tirada daawadayaasha ayaa tartanka Bundesliga uu ugu awood badan yahay. Celceliska 42,609 daawade ayaa ka dhigaysa in ay wax yar uu ka dambeeyo Cayaaraha Football-ka Maraykanka ee adduunka ee dadka ugu badan ay daawadaan.

Waxaa jira sababo badan oo la tilmaamay.

Jarmalka, ayaa ugu dadwayne badan dalalkan. Balse taageerayaasha ayaa bartanka u taagan nidaamka caanka ka ah dalkaas ee 50 boqolkiiba ay naadiga yeeshaan taageerayaashu.

Tartanka Bundesliga ayaa sidoo kale celcelis ahaan ah kan ugu tigidhada raqiisan tartamada waawayn ee dalalka Europe.

Daraasad ballaaran oo BBC ay samaysay ayaa lagu ogaaday in tikidhka lagu daawan karo cayaaraha kooxda Bayern Munich uu qiimihiisu yahay inta u dhaxaysa 15 doolarka Maraykanka iyo 80 doolarka Maraykanka, in aad ku daawato cayaaraha kooxda Arsenal gudaha Ingiriiska waxay kuugu kacaysaa inta u dhaxaya $40 iyo $140.

Talyaaniga iyo Spain, wayba ka sii qaalisan yihiin. Kuraasta garoonka San Siro waxaa qiimahoodu yahay $ 470 (AC Milan) ama $ 310 (Inter), halka kooxaha waawayn ee kubadda cagta Spain aad ku helayso $ 293 (Real Madrid) iyo $ 243 (Barcelona).

Sicirkan, ayaa saamayn ku leh taageerayaasha soo xaadira garoomada. Premier League ayaa soo raaca oo ay celcelis ahaan daawadaan 36,695 cayaartiiba, iyo La Liga-ha Spain, oo helay 26,955 taageere cayaartiiba.

Serie A-da Talyaaniga, oo mar ahaa tartanka ugu awoodda badan dunida, waxaa garoomada yimaada celcelis 23,385 taageere cayaartiiba, waxay ilaa 5 milyan oo daawade ka hooseeyaan tartanka Ingiriiska Premiership.

Go’aan: 1. Bundesliga, 5 Dhibic. 2. Premier League, 3 Dhibic. 3. La Liga, 2 Dhibic. 4. Series A, 1 Dhibic.

LACAGTA

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Shaki kama taagna in tartanka Ingiriiska ee Premier League-ga uu yahay mid aad u awood badan.

Muddo bil ah ka hor, waxaa heshiis laga gaaray iibinta xuquuqda baahinta cayaaraha Ingiriiska xilliyada 2016-2019.

Sky Sports iyo BT waxay bixinayaa $ 7,700 milyan(£ 5,100 milyan) in ay qaataan xaqa baahinta tartanka – waa koror ka badan 50% ee daqliga sadexda sano ee u dhaxeeya 2013-2016.

Tiradaas, waxaa kaloo ay ka muuqataa liiska kooxaha ugu qanisan kubadda cagta adduunka ee dhowaan ay daabaceen dad la shaqeeya Deloitte – waxaana naadiyada Premier League-ka ay qaateen 14 ka mid ah 30 boos.

Dhaqaale saraynta, ayaa ka dhigtay kubadda cagta Ingiriiska ay noqotay tan ugu muhiimsan marka cayaartoydu kooxaha u kala wareegayeen sanadkii 2014, iyadoo la qarash-gareeyay qiyaastii $ 1,200 milyan - 67% ka badan intii Spain lagu bixiyay.

Sida ku cad warbixintii ugu dambaysay ee lacagta ee warbaahinta kubadda cagta, ee uu diyaariyay suuqa cayaaraha telefishinka, Serie A ayaa kaalinta labaad oo fog ku jirta, iyadoo in yar ka badan $ 1,000 milyan.

La Liga-ha dalka Spain ayaa soo xereeyay in ka yar $900 milyan, inta badan waxaa ugu wacan kooxaha oo gaar gaar uga xaajoonaya xaqa, intii ay si wadajir ah u doonan lahaayeen.

Halka ugu dambaysay waxaa ku jira tartanka Jarmalka ee Bundesliga, iyadoo uu jiro heshiis gaaraya ilaa $ 570 milyan - inkastoo tiradan ay u dhiganto 54% in ka badan qandaraaskii hore.

Go’aamin: 1. Premier League, 5 dhibic. 2. Serie A, 3 dhibic. 3. La Liga, 2 dhibic. 4. Bundesliga, 1 dhibic.

TIRROOYIN

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Waxaa dhab ahaan lagu tilmaami karaa mid isku soo beegantay in xilliga dahabiga ah ee cayaaraha gudaha Spain sida Lionel Messi-ga kooxda Barcelona iyo Cristiano Ronaldo-ha Real Madrid oo noqday cayaaryahanada dunida ugu wanaagsan.

Labadan cayaartooy ayaa dhaliyay 102 gool (Messi 50, Ronaldo 52) shanti tartan ee Champions League ee ay ku tartameen, waxaana ay wada heleen abaalmarinta cayaaryahanka sanadka todobadii xilli ee ugu dambeeyay.

Sida xaqiiqadu tahay tartanka La Liga labada ugu saraysa waxay wadaagaan shanta cayaaryahan ee adduunka ugu qaalisanaa taariikhda: Gareth Bale, Ronaldo, Luis Suarez, Neymar iyo James Rodriguez.

Tartanka Premier League-ga wuxuu awooday oo kaliya in uu soo jiito cayaaryahanka booska lixaad ku jira ee xiddiga Argentina ee Angel Di Maria. Talyaaniga iyo Jarmalka ayaa markii ugu horaysay liiskan soo galaya marka la gaaro booska 13 iyo 18, sida ay u kala horeeyaan.

36-da cayaartoy ee ugu qaalisanaa ee kooxuhu soo gateen, Spain ayaa sadex meelood meel gadatay, halka Britain ay soo gadatay 10 cayaartoy.

France, oo lacag galisay kooxaha Paris Saint-Germain iyo Monaco, ayaa u muuqda in ay soo gateen todobo ciyaartooy, iyada oo Talyaaniga uu iibsaday sedex oo keliya,halka Ruushka iyo Germalkana ay soo iibsadeen min laba ciyaartooy.

Tartanka Bundesliga, ayaa dhinac u liiciyay isu dheelitirnaanta kubadda cagta Jarmalka, sababtoo ah laba ka mid ah sedexda heshiis ee Serie A ayaa waxa ay ciyaaraha ka fadhiisteen sanado ka hor.

Goaan: 1. La Liga, 5 dhibic. 2. Premier League, 3 dhibic. 3. Bundesliga, 2 dhibic. 4. Series A, 1 dhibic.