Man City way ku soo dhowaatay Chelsea

Manchester City players Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Weeraryahannada Manchester City

Maanta waxaa jiray toddoba ciyaarood oo ka tirsan horyaalka. waxaana loo kala badiyay sidatan:

Manchester City 3-0 West Brom.

Aston Villa 0-1 Swansea.

Newcastle 1-2 Arsenal.

Southampton 2-0 Burnley.

Stoke 1-2 Crystal Palace.

Tottenham 4-3 Leicester.

Weeraryahanka Wilfried Bony waxaa uu goolkiisii ugu horreeyay u dhaliyay Manchester City oo si xun u garaacday West Brom oo 10 nin ku ciyaareysay tan iyo daqiiqaddii 2aad ee bilawgii ciyaarta kaddib markii uu garsooruhu hal ciyaartoy ka saaray, inkastoo aanu ahayn kii khaladka ku galay Wilfried Bony oo gool dhalin rabay.

Man City waxay soo yareysay farqiga u dhexeeya iyada iyo Chelsea kaddib markii jahawareer ka dhashay warqadda Cas oo loo taagey laacib aan ahayn kii khaladka galay.

West Ham iyo Sunderland iyaga ciyaartoodu way socotaa waqtiga daabacaadda maqaalkan.