Aston Villa way ka fogaatay hoos u dhac

Aston Villa Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Benteke oo ka doodaya khalad laga galay

Maanta waxaa jiray toddoba ciyaarood oo ka tirsan horyaalka. waxaana loo kala badiyay sidatan:

Swansea 1- 1 Everton

Southampton 2-0 Hull

Sunderland 1- 4 Crystal Palace

Tottenham 0-1 Aston Villa

West Brom 2-3 Leicester

West Ham 1-1 Stoke

Burnley 0-1 Arsenal

Guusha ugu weyn Sabtidan waxaa gaartay kooxda Aston Villa iyo maamulahooda Tim Sherwood oo hore maamule ugu ahaan jiray Tottenham oo hadda ay gurigeeda uga badiyeen. Villa lix dhibcood ayay sare uga kacday kaalinta hoos u dallaciida ee sanadkan kaddib markii ay 1-0 ku martay Tottenham.

Goolka qura ee ciyaartaas ka dhashay waxaa madaxa ku saxiixay laacibka Benteke oo maalmahan kooxdiisu ku socoto dadaalkiisa dheeraadka ah.

Horyaalka waxaa hoggaanka u haysa Chelsea, waxaana ku soo xiga Arsenal, Manchester United iyo Manchester City.