Cayaaraha kubadda cagta gabdhaha

Lahaanshaha sawirka

Veronica Boqueta

Veronica Boqueta oo 27 jir ah dhexdana ka dheesha ayaa ah kabtanka kooxda Spain ee u soo baxday markii ugu horyeysay cayaaraha adduunka.

iyadoo muhuum u aheyd kooxdeeda ayey 42 cayaarood ku dhalisay 29 gool.

Waxaa sidoo kale loo yaqaan haweeneydii bilowday 2013-kii codsigii qoraalka ahaa ee gabdho cayaara kubadda cagta kaga mid noqonayaan cayaaraha Fifa iyadoo 20-kun oo saxiix ah keentay.

Marta

Marta waa 29 jir reer Brazil ah, hore ka cayaarta oo 91ka cayaarood ee caalamiga ah oo ay dheeshay dhalisay cayaarkasta gool.

Ka soo kow, guusha ay 2014-kii cayaaraha horyaalka Sweden ka keentay, hadana markii ugu horeysay ayaa looga adkaaday gabagabada horyaalka gabdhaha.

Kim Little

Kim Little oo Schotland u dhalatay kana dheeshay Mareykanka ayuu sanadkan cayaaraheeda horyaalka gabdhaha u ahaa mid weyn.

Ma ahan oo kaliya inay tahay kuwa ugu goolasha badan iyadoo leh 16 basle waxaa sidoo kale loo codeeyay sadax jeer inay tahay cayaartooyadda bisha.

Nadine Kesselr

Nadine Kesselr oo Germalka u dhalatay kana dheesha dhexda ayaa ah kabtanka Wolfsburg, mana jiraan wax aysan ku guuleysan.

Asisat Oshoala

Asisat Oshoala oo 20 jir ah ayaa ah cayaartoygii ugu horeeyay ee Afrika oo dhameeya horyaalka sare ee gabdhaha.

Cayaaryahanada kubadda cagta ee gabdhaha sanadka ee BBC-da ayaa laqaban doonaan Axadda.