Cayaaraha kubadda cagta gabdhaha.

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Veronica Boquete (Spain and Frankfurt)

Codkaaga halkan ku dhiibo

Ama Telefoon ku codee: +44 7786 20 20 04 qor 1 Si aad Veronica ugu codayso:

Waa 27-jir qadka dhexe ee weerarka ka cayaarta. Waxay kabtan u noqotay kooxda gabdhaha Spain ee u gudbay koobka adduunka markii ugu horaysay.

Dadaal badan oo leh tayo sare oo gool dhalineed – waxay dhalisay 29 gool oo ay ku ansixisay 42 kulan – waxay ahayd wadnaha kooxda ay u cayaarto.

Waxaa kaloo loo aqoonsan yahay in ay tahay haweenaydii, sanadkii 2013, bilowday bayaan ay ku doonaysay in gabadhaha kubadda cagta ay ka mid noqdaan tartamada Fifa hoos tagaan cayaarahoodi, iyadoo uruurisay 20 kun oo saxiix.

Waxay tiri: “Dhab ahaantii aad baan ugu faraxsanahay [in la ii magacaabay Biladda Cayaaryahanadda ugu Wanaagsan Kubadda Cagta ee BBC]. Waxa ay muujinaysaa inaan howl wanaagsan qabtay sanadkii la soo dhaafay. Sidoo kalana waa dhiirigelin kale oo dheeraad oo ku saabsaan mustaqbalka.”

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Nadine Kessler (Germany iyo kooxda Wolfsburg)

Codkaaga halkan ku dhiibo

Ama Telefoon ku codee: +44 7786 20 20 04 qor 2 Si aad Nadine Kessler ugu codayso:

Waa kabtanka mid ka mid ah kooxaha haweenka ee ugu taariikhda weyn Yurub, isla markaana ay ka tirsan yihiin cayaaryahano muhiim u ah xulka qaranka haweenka Jarmalka. Ma jirto bilad kubadda cagta haweenka ah oo aanay ku guuleysan Kessler, weliba marar badan.

Kessler oo 27 jir khadka dhexe ah, ayaa kabtan u ahayd kooxda Wolfsburg ee ka dheesha horyaalka Jarmalka ee Bundesliga, kooxda oo xilli cayaareedkii lasoo dhaafay markii labaad ee isku xigtay qaaday koobabka tartanka horyaalada Yurub ee haweenka iyo kan Frauen Bundesliga.

Guulahaasi ayaa u horseeday in ay qaadato bilada FIFA ee cayaaryahannada ugu wanaagsan sanadka 2015-ka, iyada oo ka guuleysatay gabadha ay kawada tirsan yihiin xulka qaranka Jarmalka ee Nadine Angerer. Balse waxa ay su’aal ka taagan tahay sida ay uga soo dhalaali karto tartanka Canada 2015, maadaama ay dhawaan dhaawacyo la kullantay.

Waxay tiri: “Waxaan doonayay in aan cayaaro kubadayda cagta, aan noqdo qof guulaystay oo aan dadaalkayga ugu wanaagsan bixiyo. Hase yeeshee sida aan leeyahay, waligay kuma riyoon wax la mid ah arrintan, in uu dadaalkaygu i gaarsiinayo oo liiskan la igu daro." [Ku guulaysiga tartanka abaalmarinta cayaaryahanadda kubadda cagta Fifa ee 2015]

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Kim Little (Scotland iyo kooxda Seattle Reign)

Codkaaga halkan ku dhiibo

Ama Telefoon ku codee: +44 7786 20 20 04 qor 3 for Asisat Oshoala:

Little oo u dhalatay Scotland ayaa sanad aad u wanaagsan ku lahayd horyaalka qaran ee kubadda cagta ee haweenka Mareykanka, halkaasi oo ay ka dheeleysay khadka dhexe oo weerar ah.

Waxa ay noqotay cayaaryahannada ugu goolasha badan sanadkaasi, iyadoo dhalisay 16 gool, taas oo noqotay rikoor cusub, waxaana sidoo kale saddex jeer loo codeeyay in ay tahay cayaaryahanka bisha. Xilli cayaareedkaasi waxa ay noqotay cayaaryahannada ugu qiimaha badan, kaddib markii kooxdeeda Seattle ay gaareen cayaarta kama dambeysta ah, balse ay kaga guuleysatay kooxda Kansas.

Inkastoo ay 24 jir tahay, waxa ay xirfad ahaan kubadda dheeleysay tan iyo 2006-dii, waxaana sanadkii 2013-ka uu ururka haweenka xirfadlayaasha kubadda cagta u aqoonsaday cayaaryahannada sanadkaasi. Balse waxaa niyad jab ku ah in Scotland ay u soo bixi weyday cayaaraha haweenka ee Canada ka dhacaya 2015-ka.

Waxay tiri: “Shakhsi ahaan, waa arrin aad u wanaagsan in la ii aqoonsado ka qeyb galka tartanka iyo tirada cayaartooyda magaca leh ee dunida iyo horyaalka Mareykankaba ka jira.”

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Marta (Brazil iyo kooxda FC Rosengard)

Codkaaga halkan ku dhiibo

Ama Telefoon ku codee: +44 7786 20 20 04 qor 4 si aad Marta ugu codayso:

Marta ayaa la oran karaa waa magaca ugu caansan kubadda cagta ee haweenka.

Weeraryahanadan Brazil u dhalatay ee 29 jirka ah, oo min gool dhalisay 91-kii cayaarood ee caalami ah ee ay dheeshay, ayaa weli u muuqata mid heer sare ay awoodeedu tahay.

Inkastoo sanadkii 2014-kii ay ku guuleysatay horyaalka dalka Sweden – markii lixaad – waxa ay ku guuldareysatay cayaartii kama dambeysta ahayd ee horyaalada dumarka – balse sanadkan ayay qaaday koobka Sweden ee loo yaqaano Svenska Supercupen.

Waxay tiri: “Waxaan dareemayaa farxad aad ah in la isoo xusho. Waxaan dareemayaa in guul ay ii tahay inaan ka mid noqdo shanta haween ee isu soo hartay. Waa mid muhiimad gaar ah leh, waayo waxaa na xukminaya dadweynaha, dadka idinla socda.”

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Asisat Oshoala (Nigeria iyo Liverpool)

Codkaaga halkan ku dhiibo

Ama Telefoon ku codee: +44 7786 20 20 04 qor 5 si aad ugu codayso Asisat Oshoala

Waa inan xiiso leh, dabeecad kulul oo kaliyana jirta 20 sano, Asisat Oshoala, waa cayaaryahannada kaliya ee Afrikaan ah ee tartanka horyaalka sare ee haweenka (Women’s Super League).

Asista oo sanadkii 2014-kii ku guuleysatay cayaaryahannada haweenka ee Afrika iyo cayaaryahannada da’da yar, ayaa sanadkan kooxda haweenka ee Liverpool -oo haysata koobka horyaalka sare ee haweenka – kaga soo biirtay kooxda haweenka Nigeria ka dhisan ee Rivers Angels.

Waxaa lagu naaneysaa “Seedorf” oo ah magaca nin cayaaryahan ahaa, waxaana ay noqotay cayaaryahannada ugu wanaagsan tartankii Koobka Aduunka ee gabdhaha da’doodu ka yartahay 20 jirka ee dhacay sanadkii lasoo dhaafay. Sanadkan waxa ay Nigeria ka caawisay ka qeyb galka cayaaraha Canada 2015-ka, waxaana ay taasi ku muteysatay in uu madaxweynaha Nigeria, Goodluck Jonathan, gudoonsiiyo abaalmarinta dalkiisa laga bixiyo ee loo yaqaano Member of the Order of the Niger.

Waxay tiri: “Waxan dareemaa in la i qiimeeyo. Sanadkii hore saa’id ayaan u shaqeeyay balse waan la yaabay in la igu daro dadkan la soo xulay.Abaalmarinta waa mid u wanaagsan dumarka kubadda cagta – waxay dhabtii nagu caawin kartaa in dalalka oo dhan ay dumarkooda kordhiyaan taageerada ay siiyaan, oo ay ula dhaqmaan si la mid ah sida ay ragga kubadda kubadda cagta ula dhaqmaan.”