Veronica Boquete (Spain and Frankfurt)

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Waa 27-jir qadka dhexe ee weerarka ka cayaarta. Waxay kabtan u noqotay kooxda gabdhaha Spain ee u gudbay koobka adduunka markii ugu horaysay.

Dadaal badan oo leh tayo sare oo gool dhalineed – waxay dhalisay 29 gool oo ay ku ansixisay 42 kulan – waxay ahayd wadnaha kooxda ay u cayaarto.

Waxaa kaloo loo aqoonsan yahay in ay tahay haweenaydii, sanadkii 2013, bilowday bayaan ay ku doonaysay in gabdhaha kubadda cagta ay ka mid noqdaan cayaaraha hoostaga tartamada Fifa, iyadoo uruurisay 20 kun oo saxiix.

Waxay tiri: “Dhab ahaantii aad baan ugu faraxsanahay [in la ii magacaabay Biladda Cayaaryahanadda ugu Wanaagsan Kubadda Cagta ee BBC]. Waxa ay muujinaysaa inaan howl wanaagsan qabtay sanadkii la soo dhaafay. Sidoo kalana waa dhiirigelin kale oo dheeraad oo ku saabsaan mustaqbalka.”