Halganka xagga hoose ee horyaalka Ingiriiska

Premier league logo Lahaanshaha sawirka Barclays Premier League
Image caption Astaanta horyaalka Ingiriiska

Sabtidan waxaa jiray toddoba ciyaarood oo ka tirsan horyaalka Ingiriiska. kulammada Sabtidan dhacay oo ay ka qayb galeen sagaal ka mid ah tobanka kooxood ee tartanka ugu hooseeya, waxaa loo kala badiyay:

Everton 0-2 Sunderland.

Aston Villa 1-0 West Ham

Hull 0-1 Burnley

Leicester 2-0 Southampton

Newcastle 1-1 West Brom.

Stoke 3-0 Tottenham

Kooxaha QPR iyo Hull ayaa iyaguna ku jira meesha laga dhacayo waxaana aan ka fogeyn Leicester iyo Newcastle oo halis ugu jira inay ku soo dhacaan xerada hoos u dallacidda.

Sabtidan waxaa goolasha ugu badan dhalisay kooxda Stoke oo soo gashay kaalinta 10aad, si fiicanna uga fogaatay cabsida ay qabaan kooxaha kaalinta hoose kaga jira tartanka horyaalka.