Mouriniho: guuldaradanada ''kooxaha kalaa gacan ka gaystay''

Lahaanshaha sawirka Reuters

Tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho, ayaa kooxdiisa ku eedeeyay guuldaradii xalay ka soo gaartay ciyaartii ay la lahaayeen West Brom taas oo ku dhammaatay 3-0.

Chelsea ayaan 16 kullan laga badinin, guuldaradii xalayna waxa ay noqoneysaa tii seddaxaad ee laga adkaaday xilli ciyaareedkan Horyaalka Ingiriiska.

Mourinho, oo hadda ah tababaraha kooxda ku guuleysatay koobka ayaa sheegay in uu ogyahay in isaga iyo ciyaartoydiisaba ay dembigaleen.

Balse waxa uu intaasi raaciyay in kooxaha la tartamayay ay xattaa dambi galeen sababtuna ay tahay in ay ogolaadeen in kooxdiisu durba noqoto horyaalka Ingiriiska iyada oo ay saddex ciyaarood dhimanyihiin.

Ciyaartii xalay, goolka ugu horeeyay Chelsea waxaa ka dhaliyay Berahino, ka hor intaan kaarka cas loo taagin Febragas oo dhexda uga ciyaaro Chelsea.

Goolka labaadna waxaa ka dhaliyay Isla Brahino, kan sedaxaadna waxaa ka dhaliyay Chris Brunt.

Febragas waa markii labaad oo ciyaarta laga saaro oo kaarka cas la siiyo intii uu ciyaarayay koobka Premier league-ga, Kiisii ugu horeeyay waxa ay ahayd 2006dii xilligii uu Arsenal u ciyaaraayay

Mourinho waxa uu ku celceliyay in aysan ahayn in ciyaartooda oo keli ah la cambaareeyo, balse nafsad ahaantiisa ay tahay in la eedeeyo.

Wuxuuna qiray in ay guul u baahnaayeensi ay dhibco aad u badan koobka ugu qaadaan.

Garsooraha ciyaarta Mike Jones oo isku dayayay in uu dhexdhexaadiyo weeraryahanka Chelsea Diego Costa iyo difaaca WestBrom Gareth McAuley, oo ay la taagnaayeen dhowr ciyaartooy oo kale, ayaa Febragas oo dhanka midigta taagnaa, waxa uu darbeeyay kubadda oo madaxa kaga dhacday Brunt.

Laakiin waxaa ka dhalatay in Febragas ciyaarta laga saaro.

Mourinho waxa uu sheegay in la daandaansaday kaarka casna uu khalad ahaa.

Mourinho iyo tababaraha kooxda West Brom Tony Pulis si layaab leh ayey isu qabsadeen ka hor inteysan ciyaarta bilaaban, waxayna gacmaha si isdhaaf ah isu haysteen dhowr daqiiqo.

Waxayna calaamad u ahayd, sida labada nin ay isu xushmeeyaan.