Natiijooyinka kama dambaysta ee horyaalka

Hull City Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Ciyaartoy kooxda Hull City

West Ham United waxay ku dhawaaqday in aan la cusbooneysiin doonin heshiiska shaqada ee maamulaha kooxdooda, Sam Allardyce, waxay la xiriirtaa guuldarro ay kala kulmeen Newcastle oo maalinta ugu dambaysa tartanka Premier League ee xilligan uga adkaatay 2-0 gool. afar sano ayuu shaqadaas soo hayay.

Inkastoo ay macallinkooda eryeen haddana West ham waxay ku dhammaysatay kaalinta 12aad ee kala horreynta kooxaha.

Waxaa isaguna halis ku jira maamulaha kooxda Hull City oo maanta ka dhcday tartanka horyaalka kaddib markii ay 0-0 isla dhaafi waayeen kooxda Manchester United oo iyadu kaalinta 4aad ku dhammaysatay tartanka sanadkan.

kulammada kale ee maalinta ugu dambaysa horyaalka waxaa loo kala badiyay:

Arsenal 4-1 West Brom

Aston Villa 0-1 Burnley

Chelsea 3-1 Sunderland

Crystal Palace 1-0 Swansea

Everton 0-1 Tottenham

Leicester 5-1 QPR

Manchester City 2-0 Southampton

Stoke 6-1 Liverpool

Horyaalka sanadkan waxaa goor hore qaadday kooxda Chelsea oo ku guulaysatay iyadoo saddex ciyaarood u harsan yihiin.

Waxaa kaalinta 2aad gashay Manchester City, 3aadna Arsenal.